Waxaa maanta oo Khamiis ah lasoo gaba gabeeyey Shirkii Madasha Wadatashiga Hogaamiye Dhaqameedka Soomaaliyeed oo sadexda maalmood ka socday xarunta Dhaqanka ee magaalada Qardho.

Munaasabada xiritaanka shirka Isimada Soomaaliyeed ayaa waxaa kasoo qeyb galay marti sharaf kale oo ay ku jireen Culumaa’udiin, Abwaano iyo mas’uuliyiin kale.

Kulankii maanta ayaa laga soo jeediyey khudbado isugu jiray wacdi ay soo jeedinayeen culumaa’udiinka iyo waliba Abwaanada shirka kusuganaa sida Abwaan Jaamac Kadiye iyo Abwaan Sangub oo intuu shirka socday maansooyin halkaasi ka tiriyey.

Waxaa kulankii xiritaanka shirka hadalo kasoo jeediyey wafdi ka socday qaramada midoobay oo sheegay inay si weyn usoo dhaweenayaan shirkii ugu horeeyey oo noociisa ah oo ay Isimada Soomaaliyeed yeeshaan.

Wakiilka Qaramada Midoobay ee Puntland ayaa ugu mahadnaqay Boqor Burhaan iyo Isimada Soomaaliyeed inay iskood u qabsadeen kulankan taariikhiga ah.

Waxayna sheegeen inay ku taageeri doonaan Isimada Soomaalida dadaalka ay ugu jiraan Nabadeynta iyo dib u heshiisiinta ummada Soomaaliyeed.

“…Qaramadda Midoobay Waxay Aqoonsan tahay In Weli shirkan oo kale ka dhicin Soomaaliya waana idiinku Hambalyeynaa, waxaad ka kala timaadeen Soomaliya oo dhan hogaamiyayasha dhaqanku waa farsamyaqanadda dalka markay timaado dib-u-heshiisiinta, dhisitaanka xukuumadaha iyo wax walba, halkaan uma iman inaan siyaasad ka hadlo balse UN-ka waxay ictiraafsan tahay in odayasha dhaqanku muhiim iyo tiir adag u yihiin dowladnimadda Soomaliya…” ayuu yiri ergeyga qaramada midoobay.

Waxaa sidoo kale kulanka khudbado kasoo jeediyey qaar kamid ah Isimadii kala hogaamineysay wafuudii ka kala timid gobalada Soomaalida degto, waxaana ugu danbeyntii halkaasi khudbad kasoo jeediyey Boqor Burhan Boqor Muse oo isagu issimada martiqaadka u fidiyey.

Wuxuuna u mahadnaqay Isimada iyo bulshada Soomaaliyeed ee shirka kasoo qeyb galay.

Intaa kadib ayey isimada u ambaxeen goob gaar ah oo uu Boqor Burhan Qado sharaf ugu sameeyey, balse intaan shirka la xirin ayaa waxaa halkaasi laga akhriyey Warmurtiyeed ka kooban 11 qodob, kaasi oo ay wada saxiixeen dhamaan Isimadii shirka ka qeyb gashay, wuxuu u qornaa sidatan:

Warmurtiyeedka Madasha Wadatashiga Madax Dhaqameedka Soomaaliyeed 24-26 May 2016 Qardho

Waxaa maalintii Talaadada (Salaasada) ahayd uu shirka Madasha Wadatashiga Dhaqanka Soomaaliyeed ka bilowday magaalada Qardho, waxaana lasoo gaba gabeeyey maanta oo Khamiis ah.

Shirkan ayaa looga hadlayey Mideynta iyo horumarinta Dhaqanka Soomaaliyeed.

1- Shir madasha wadatashiga dhaqanka Soomaaliyeed wuxuu ku baaqay in [Dagaalkii Sokeeye] uu dhamaaday, hase yeeshee meelaha Qaarkood ay ka jiraan Colaadaha kooban oo u baahan in la joojiyo.

2- In Odayaasha Dhaqanka Soomaaliyeed ay yihiin Hogaanka ummada Soomaaliyeed meel kasta oo ay ku nool yihiin, waana Soojireen aan dhicin loona baahan yahay in ummada ay ku hogaamiyaan Cadaalad, Sinaan, Nabadeyn iyo Midnimo.

3- Waa in hogaanka Dhaqanka Soomaaliyeed ku Midowbaan ku dhaqanka [Shareecada Islaamka] oo ay yeeshaan Gole Dhaqan oo isku xira Dhaqanka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan.

4- Waa in ay Hogaamiyayaasha Dhaqanka yeeshaan [DALAD] ay ku mideysan yihiin, si ay u gutaan hawlaha loo igmaday, si hufnaan ku jirto iyo Cadaalad.

5- Oday dhaqameedka waxay hawlahooda Dhaqanka ku gudanayaan [Shareecada Islaamka] iyagoo la kaashanaya Culimada, waxay uga baahdaan xaga sharciga Islaamka.

6- Sida aan wada ognahay Qaranimadii Soomaaliyeed waxaa burburiyey [Qabyaalada], kuna baahday bulshada Soomaaliyeed dhexdeeda, sidaa daraadeed waxay ugu baaqeen in ummada Soomaaliyeed ka waantoobaan ku dhaqanka Qabyaalada iyo Quursiga. Kuna dhaqmaan Shareecada Islaamka si ay Adduunka iyo Aakhiroba liibaan u helaan.

7- Waxay ugu baaqeen hogaamiye dhaqameedka dhamaan ummada Soomaaliyeed [Nabadgelyo]. Nabada waa furaha nolosha iyo jiritaanka ummada. Sidaa daraadeed waa in si wadajir ah looga wada shaqeeyo sugida nabada iyo xasiloonida.

8- Waxaan ku baaqeynaa in la helo [Cadaalad] si loo helo sinaan iyo midnimo loo dhan yahay.

9- Waxaa ummada Soomaaliyeed ugu baaqeynaa in musiibooyinka aafeeyey oo ay kamid yihiin; Tahriiba, Xaalufka bada iyo beriga, Nabaad-guurka, Maandooriyayaasha in si wadajir ah looga hortago si loo ciribtiro.

10- Waxaan ugu baaqeynaa Beesha Caalamka iyo Hay´adaha inay gacan kasiiyaan Dowlada Soomaaliya sidii ay u illaalin lahayd [Khayraadka Dalka Soomaaliya bad iyo beriba].

11- Hogaanka Dhaqanka Soomaaliyeed wuxuu u mahadcelinayaa, doorka wax ku oolka ahaa oo ay Beesha Caalamka ay ka qaadatay Dib usoo nooleynta Qaranimada Soomaaliyeed iyo kaalmadii bini´aadamnimo oo ay u fidiyeen ummada Soomaaliyeed. Waxaana laga codsanayaa inay sii wadaan Kaalmada si loo gaaro Qaranimo Buuxda.

Warmurtiyeedka kadib waxay Hogaamiye Dhaqameedka Soomaaliyeed u mahadcelinayaan ummada Soomaaliyeed iyagoo illaahay uga baryaya inuu Colaada, Abaaraha iyo Cudurada kasaaro oo uu quluubtooda isu soo jeediyo, illahayna siiyo Dowlad Caadil ah.

Xulka Heemaal Ee Dhacdoyinka Caalamka

Tiger Mauls Woman To Death At Beijing Park
Tiger Mauls Woman To Death At Beijing Park

A woman was mauled to death and another was seriously injured when they were attacked by Siberian tigers at a wildlife park in Beijing SUBSCRIBE to our YouTube channel for more videos: http://www.youtube.com/skynews Follow us on Twitter: https://twitter.com/skynews and https://twitter.com/skynewsb...

Unik dan Menakjubkan... Singa vs Manusia Sampai Titik Darah Penghabisan
Unik dan Menakjubkan... Singa vs Manusia Sampai Titik Darah Penghabisan

Unik dan Menakjubkan... Singa vs Manusia Sampai Titik Darah Penghabisan Jangan Lupa Subscribe Disini: https://www.youtube.com/channel/UC1xon26bGtu2VVUiBwrkGHQ?sub_confirmation=1

Lion Shows Tourists Why You Must Stay Inside Your Car - Latest Wildlife Sightings
Lion Shows Tourists Why You Must Stay Inside Your Car - Latest Wildlife Sightings

Brutal lion attack on a car in South Africa! Luckily the lions were distracted by Eric's hyperventilating just long enough for us to make the escape. Viewer discretion is advised. May not be suitable for all viewers. Please share. Subscribe here, comment, like and share to help #SaveLions Male Lion...

Did the Anaconda Really Swallow a Man? Let's Find Out!
Did the Anaconda Really Swallow a Man? Let's Find Out!

What's Inside a Giant Python and an Anaconda? Let's find out! Please like and share our videos. Subscribe to our channel for more amazing videos and to get regular updates. Subscribe: https://www.youtube.com/channel/UCkmISlL1CNB36sSiWBze54Q Follow us on: Facebook: https://www.facebook.com/OurAnim...

Lions Bring Down Buffalo | Absolutely Crazy Ending!
Lions Bring Down Buffalo | Absolutely Crazy Ending!

We have had the honor of hundreds of people from around the world sending in their incredible videos for us to share, and each is unique. This one however is one that is just extremely special and plays on every emotion! Incredible too see how two lionesses from one pride chase the herd into two m...

The Power of Eagles - Eagles VS Attacks Dog, Bear, Rabbit, Deer, Goat, Fox and Human
The Power of Eagles - Eagles VS Attacks Dog, Bear, Rabbit, Deer, Goat, Fox and Human

(The Power of King of Birds) The Biggest Eagles VS Attacks, Hunt, Kill and Eat Dog, Bear, Rabbit, Deer, Goat, Fox and Human Lion Vs Anaconda - Leopard Vs Python - Tiger Vs Python - Jaguar Vs Python - Black Jaguar Vs Anaconda https://youtu.be/XVZX055ZHgY Leopard Vs Python leopard kills python - P...

Male Lions Kills Male Lion Wild Animals Fight To The Death
Male Lions Kills Male Lion Wild Animals Fight To The Death

Wild animals fight to the death between a male lion vs another male lion. The fight competes to lioness and hunting area. Fight between a male lion and another male lion, this being one way to become the kings of the African land. Fight between male lion vs another male lion always happens like thi...

Gấu đen đại chiến sư tử và hổ : Khi chúa tể sơn lâm thể hiện sức mạnh - Thế giới quanh ta
Gấu đen đại chiến sư tử và hổ : Khi chúa tể sơn lâm thể hiện sức mạnh - Thế giới quanh ta

Gấu đen,sư tử và cọp là những động vật hung tợn trong rừng xanh,chúng được mệnh danh là những chúa tể của rừng xanh vì vậy mỗi khi chạm trán nhau giữa chúng luôn xảy ra một cuộc chiến ác liệt và cân não

Animal Fight to Death - Lion vs Tiger Real Fight in Jungle I HOT Battle
Animal Fight to Death - Lion vs Tiger Real Fight in Jungle I HOT Battle

Animal Fight to Death - Lion vs Tiger Real Fight in Jungle I HOT Battle,Animal Fight to Death - Lion vs Tiger Real Fight in Jungle, Animal Fight to Death - Lion vs Tiger Real Fight in Jungle I Animal Face Off, Animal Fight to Death - Lion vs Tiger Real Fight in Jungle I Battle Documentary https://yo...

Buuxi Shaxda midigta Ama E-mailka Hoos Ku Qoran Nagala Soo Xidhiidh 

This email address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it.

 

 
  Mail is not sent.   Your email has been sent.

We use cookies to improve our website and your experience when using it. Cookies used for the essential operation of this site have already been set. Cookie policy. I accept cookies from this site.Agree