Masuuliyiinta dalalka Masar, Talyaaniga iyo Giriiga ayaa sheegay in aysan caddeyn karin warbixinta markii u horeysey ka soo baxdey BBC ee sheegaysa in 400 oo Soomaali u badan ay ku hafteen badda kadib markii doontoodu kula degtey Badda cad.

Ciidamada Talyaaniga oo isku xira dhamaan hawlaha bad-baadinta biyaha u dhexeeya Talyaaniga iyo Libya ayaa sheegay in aysan wax war ah ka haynin doonta la sheegayo in ay degtey, sidoo kale waxay sheegeen in aysan jirin meydad ay heleen iyada oo saxaafadda qaarkod qoreen in 6 qof meydkooda la helay 108 kalena la soo badbaadiyey, sidaas waxaa qortey Wakaaladda Wararka ee Reuters.

Ciidamada ilaalada xeebaha Griiga ayaa sheegay dhankooda in aysan wax war ah ka haynin doonta degtey. Haweeney u hadashey Greek Coast Guard ayaa sheegtey inaysan jirin cid laga soo badbaadiyey biyaha Giriiga ama soo gaarey.

Si kastaba ha ahaatee hay’adda UNHCR ayaa sheegaysa in dadkii la soo badbaadiyey la geeyey Jaziirada Crete ee dalka Giriiga.

Hay’adda SOS Mediterranee ayaa BBC u sheegtey in 108 qof la soo badbaadiyey, isla amkraana la helay 6 qof meydkooda.

Qaar kamid ah dadka eheladoodu ku geeriyoodeen safarka ay Yurub ugu soo socdeen ayaa sheegaya in loo xaqiijiyey geerida ehelkooda.

Buuxi Shaxda midigta Ama E-mailka Hoos Ku Qoran Nagala Soo Xidhiidh 

This email address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it.

 

 
  Mail is not sent.   Your email has been sent.

We use cookies to improve our website and your experience when using it. Cookies used for the essential operation of this site have already been set. Cookie policy. I accept cookies from this site.Agree