Guuleed Abuu Nabhaan, ayaa waxaa uu Ururka Al Shabaab u magacaabay Sarkaalka u qaabilsan Gobolka Hiiraan, oo ka dhigan Gudoomiyahooda Gobolkaasi.

Ururka Al Shabaab, ayaa wuxuu iclaamiyay in xilkii ay ka xayuubiyeen Maxamed Mire, oo ugu magacawnaa Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan.

Warbaahinta ku hadasha afka Al Shabaab, ayaa waxay xalay tebisay in xaflad ka dhacday deegaanka Buq Aqable ee Gobolka Hiiraan inuu xilkaasi kula wareegay Guuleed Abuu Nabhaan.

Radio Al Andalus oo ku hadla afka maleeshiyada Al Shabaab, ayaa laga akhriyay bayaan ka soo baxay waxa loogu yeeray Xafiiska Siyaasadda iyo Gobolada ee Ururka Al Shabaab, laguna soo magacaabay Abuu Nabhaan.

C/casiis C/laahi Cabdi (Duurow), Gudoomiyaha Degmada Buula Barde ee dowladda Somaliya, ayaa bishii March sheegay in Maxamed Mire lagu dilay duqayntii uu Mareykanka ka fuliyay deegaanka Raaso, oo 60 km u jirta Buula Barde.

Buuxi Shaxda midigta Ama E-mailka Hoos Ku Qoran Nagala Soo Xidhiidh 

This email address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it.

 

 
  Mail is not sent.   Your email has been sent.

We use cookies to improve our website and your experience when using it. Cookies used for the essential operation of this site have already been set. Cookie policy. I accept cookies from this site.Agree