Ciidamo badan oo ka tirsan maamulka Puntland ayaa la geeyay deegaanka Garcad oo ka tirsan Gobolka Mudug, halkaasi oo muddooyinkii ugu dambeeyay Puntland xooga saareysay ammaankeeda.

Ciidamadan oo isugu jira kuwa badda iyo kuwa dhulka ayaa shalay loo daadgureeyay deegaanka Garacad, waxaana qorshaha uu yahay inay xoojiyaan ammaanka deegaankaasi.

Shalay deegaanka Garacad waxaa lagu arkay diyaarad dul wareegaysay berriga iyo badda, iyadoo la aaminsan yahay diyaaradaasi inay leeyihiin ciidamada Puntland.

Dadka ku nool deegaanka Garacad waxa ay sheegeen shalay inay arkayeen diyaarada oo dul heehaabaysa deegaanka.

”Diyaaradaan maanta oo dhan way na dul heehaabaysa,waxaana u malaynayaa iney tahay mida ciidamadda Dowladda.”Ayuu yiri goob-jooge.

Maamulka Puntland ayaa horay u sheegay inay ka feejigan yihiin weeraro Shabaabka ay ku soo qaadaan deeganada Puntland.

Ururka Al Shabaab ayaa duulaan qorsheysan ku qaaday deegaano ka tirsan Puntland, balse dagaalo ciidanka Puntland ay la galeen Shabaabka ayaa lagu laayay ciidamadii Shabaab, halka qaarkoodna nolosha lagu qabtay.

Buuxi Shaxda midigta Ama E-mailka Hoos Ku Qoran Nagala Soo Xidhiidh 

This email address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it.

 

 
  Mail is not sent.   Your email has been sent.

We use cookies to improve our website and your experience when using it. Cookies used for the essential operation of this site have already been set. Cookie policy. I accept cookies from this site.Agree