Shacabka Masar ayaa si weyn uga soo horjeestay Go´aanka Madaxweynaha Masar Cabdifatax Al Sisi uu qaatay ee ah in Laba jasiiradood oo ka tirsanaa dhulka Masar lagu wareejiyo Boqortooyada Sacuudiga.

Go´aankan ayaa yimid kadib booqashadii uu dhawaan ku tagay dalka Masar Boqor Salaamka Sacuudiga, waxayna dowlada Sacuudiga heshiis maalgashi ah oo Balaayiin dollar ku kacaya la gashay dowlada Masar.

Madaxweynaha Masar SISI ayaa sheegay in go´aanka Jasiiradaha Tiran iyo Sanafir uu u siiyey Sacuudiga ay tahay Mahadnaq taageeradii dhaqaale ee dowlada Sacuudiga u fidisay dalka Masar sanadihii la soo dhaafay.

Labada Jasiiradood ee Tirana iyo Sanafir oo ku taal bada cas una dhaxeysa dalalka Masar iyo Sacuudiga ayaa waxaa awood military ku qabsaday dalka Masar 1950kii, waxayan jasiiradahaasi kaalin weyn ka ciyaareen dagaalka u dhaxeeyey Masar iyo Isra´iil, iyadoo Madaxweynihii xiligaasi Jamaal Cabdinaasir uu jasiiradahaasi uu ka dhigay goob uu ka xayiro maraakiibta u socotay Isra´iil.

Jasiiradahani oo aan ahayn kuwo la degen yahay, hadana ahmiyad gaar ah oo military iyo istraatiiji ayey u ahayd dalka Masar.

SISI ayaa u baahan inuu helo taageerada Baarlamaanka Masar oo ay tahay inay ansixiyaan go´aankan madaxtooyada, hase yeeshee shacabka Masar ayaa si weyn uga horyimid in dalka Sacuudiga lagu wareejiyo Jasiiradahan, kacdoonkan ayaa sidoo kale laga dareemay baraha internetka oo ay dadka ku sheekaystaan iyo qaar kamid ah Telefishinada dalka Masar.

Waxaa go´aankan sidoo kale cambaareeyey xisbiga Ikhwaan Muslimiinka, halka kuwo kalena ay sheegeen in SISI uu doonayo inuu xulafo qarsoodi ah la sameysto Isra´iil iyo Sacuudiga iyagoo sadexadaas dal isu baheysteen dagaalka ka dhanka ah IRAN.

Wasiirka Isra´iil ee arrimaha Militariga Moshe Ya’alon ayaa saxaafada u sheegay in Isra´iil ay si dhaw ulla socotay heshiiska Jasiiradahan lagu wareejinayo Sacuudiga, isla markaana soo dhaweenayaan heshiiskan.

Media

Buuxi Shaxda midigta Ama E-mailka Hoos Ku Qoran Nagala Soo Xidhiidh 

This email address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it.

 

 
  Mail is not sent.   Your email has been sent.

We use cookies to improve our website and your experience when using it. Cookies used for the essential operation of this site have already been set. Cookie policy. I accept cookies from this site.Agree