idil
Dr_Cabdulqaadir

      

Friday, 17 May 2013 15:37

Boorama: 18 May Miyaa La Xoojinayaa Mise Waa Laga Xoogsanayaa?

18mayHNN. Si qayral caadi ah ayay gudaha Boorama uga socotaa xuska qabanqaabada munaasabada 18 May

ee sanadkan 2013, taasi ah mid meel walba laga dareemay iyada oo gudaha Boorama lagu arkayo odayaal, dhalinyaro, haween iyo dadwayne kale oo gaaf wareegaya goobaha ay ka socoto qabanqaabadu, tanina ay dheer tahay in dad badan lagu arkayo afaafka hore xafiisyada iyo  meelaha ay ku sugan yihiin masuuliyiinta hogaanka u haysa munaasabadan qabanqabadeeda oo ay ugu muhiimsan yihiin Badhasaabka Awdal iyo Maayarka Boorama.

Dadwaynahaasi tirade badan ee midba dhankooda kaga mashquulsan yahay qabanqaabada 18 May ayaa waxa ay isujiraan kuwo ay soojidatay meeshana ay keentay duruufo iyo arimo kala duwan oo ku lamaan qaban qaabada munaasibada, waxana tan ka soo dhex baxday su’aasha ah Maanta Boorama Xuska 18 May miyaa la xoojinayaa mise waa laga xoogsanayaa?

Jawaabta su’aashani ma aha mid si sahlan loo sheegi karo, b alse waxa muhiim ah in laga faaloodo muuqaalada hoose ee qabanqaabada si loogala soo dhex boxo in waxa ka socda Boorama ay yihiin XOOGSI ama XOOJIN.

Ganacsatada oo aanan markii hore si aad ah ugu faro dhuudhuubnaan jirin arimaha noocan oo kale ah iyo dabaaldagyada ayaa waxa ay warar dhinacooda ka imana sheegayaan inay ururiyeen qaadhaan dhan 10kun oo doolar kaasi oo ay ugu talo galeen inay kaga qayb qaataan xuska 18ka May, iyaga oo lacagtaas gacanta kaga riday badhasaabka Awdal, waxan arintan ay sheegaysaa in markan ay ganacsatadu ku dhiiratay malaha inay taageero muuqata oo aanay ku bixin jirin markii hore arimaha noocan ahku bixiyaan si ay u xoojiyaan munaasabada.

Dhalinyaro badan oo iskood isku abaabushay ayaa gaaf wareegaya xafiisyada Maayarka iyo Badhasaabka, dhilinyaradan oo heegan u ah inay ka qayb qaataan xuska munaasabadan ayaa waxa ay hadana marka aad la kulanto ay kaaga waramayaan inay ka niyad jabsan yihiin sida ay wax u socdaan isla markaana ay masuuliyiinta ay khusayso ay wali ka soo saari la’ yihiin lacagtii hawl-galka 18 May ee ay ku shaqayn lahaayeen, arintan ayaa waxa ay muujinaysaa in dhalintu ay laba isugu jiryo, qaarkood ay xoojinayaan munaasabada, halka qaar kale oo badana ay soo jiidatay lacagaha lagu bixinayo munaasbibada meeshana u yimaadeen inay xoogsadaan.

Haweenku dhankooda sanadkan way ka amakaagsan yihiin, ma muuqato wax qaban qaabo ah oo laga daremayo, ururkii NOW ee ugu balaadhnaa-na waxa uu ku dhex milmay gudida qabanqaabdada, arintan ayaanan sheegay in haweenku ay ka muquurteen xuska 18 May balse waxa ay walaac ka qabaan awooda badan ee ay maroorsadeen gudida sanadkan uu gobolku la kowsaday ee munaasabada qabanqaabadeeda badi gacanta ku haysa, taasi oo ka dhigtay mid u xidhan gudi ka kooban dhawr iyo toban xubnood oo aad u mashquulsan, hogaankoodana ay hayaan Maayarka iyo Badhasaabku.

Xildhibaanada golaha degaanka ee Boorama oo sida uu sheegay Maayar Saleebeen, in 4tiiba loo diray xaafad gaar ah, ayaa waxa muuqata inay dad badan abaabuleen, abaabulkan ayaa waxa inta ka horaysa maalinta sabtida ah oo isugu soo biyo shubtay xafiisyada Maayarka iyo Badhasaabka hortooda iyaga oo ay xaafadihii iyo xildhibaanadiiba raadinayaa kharashaadkii lagu bixin lahaa baabulka, dada xaafadaha qaar iyaga ayaa is abaabulaya oo xoojinaya 18 May, waxana ku hoos lamaan qaar badan oo xoogsi u yimid oo raba inay wax uun gacanta ku dhigaan

Goobaha laga tolo dharka iyo dawaarlayaasha ayaa ad u mashquulsan oo qaarkood shaqynayaan waqti dheer, marka la is waydiiyo waxa ay tahay sababta shaqadu waxa ay kuu sheegayaan inay XOOGSANAYAN oo ay tolayaan dharkii bilicda 18 May kor u qaadi lahaa, tani badalkeedana ay XOOJINYAAN munaasabada.

Hayadaha sirdoonka iyo madaxda ciidamada amniga waxa gaadhaya sida la sheegayo warbixino badan oo intuba u adeegaya adkaynta nabadgalyada, dadka wararka laga helayooo  aanan la garanayn, qaarkood waxa ay xogaha u bixinayaan si loo XOOJIYO ka qaybgalka 18May oo amniga loo adkeeyo, maadaama oo ay xilsidayaasha dhaqanku xalay ku baaqeen in indhaha la kala furo oo cadawga gudaha la soo sheego, tan waxa kale oo ku lamaan dad XOOGSANAYA, oo masuuliyiin iyo rayidba leh, oo xaalad abuur ah oo soo sheegaya xoggo aanan waxba ka jirin oo gaf ku ah dad kale oo shicib ah, ujeedada ay ka leeyihiina ay tahay inay LUFLUF ka helaan kharashka 18 MAY ee la qorsheeyay.

XOOGSI iyo XOOJIN midka ay doonto ha ahaatee, waxa xusid mudan in hoosta laga xariiqo in kharashka sanadkan ku baxaya xuskan ee magaalada Boorama uu yahay mid aad u badan, oo lagu bixin doonyo dhinacyada gaadiidka, dib u dhiska goobta khayriyada, tolida calanka, buufinta ranjiga, gunooyinka ciidamada booliska iyo saxaafada, ciyaaraha hidaha iyo dhaqanka, daabacaada waraaqaha, koofiyadaha, makarafonada, Laaluush gaar ah oo la siinayo dad xiisad wada oo la rabo in la damiyo, IWM.

Kharashkan aadka  u badan ayaan la ogayn khasnada ay dawladu ka soo saartay, marka laga reebo tabarucaad gaar ah, iyo ilaa inta uu leekaan karo kalsoonida lagu qabi karo xisaab xidhka dambe ee ay samayn doonaan masuuliyiinta xisaabaadka ee dawlada Dhexe ama Hoose ma noqon doonaan kuwo ka XOOGSADA ama XUSHMEEYA xisaab xidhka lacagtaas ah cashuurtii shacabka.

Hibo M Hodoon Iyo Oslo (Guji Sawirka)

hibomaxmed1  

 

Political Videos.

Suaalo Lala Boobay Labada Prof Ee Samatar Iyo Galyr

Waraysi Cabdi Ismaaciil Samatarm

Warays Wasiir Foosiya Xaaji Aadanm

Profr Samatar iyo Galayr Minneapolism Profr Samatar Faragalinta Kenya Ee Soomaliyam

 

Ku Xidhnaw wararkayaga

Wararkii U Danbeeyey

Wararka Caalamka Oo Dhan

Dad Waynahaan Hanuunina, Hassaawinaa, Oon Danta U Hagnaa, Ma Hakranee Waan U Hawl Galnaa.