idil
Dr_Cabdulqaadir
Friday, 17 May 2013 15:33

Hayada PSI Oo Boorama Abaalmarino Ku Siisay 20 Farmasii Oo Xubno Ka Ah Bahda Bulsho-kaab

PSI BOORAMA 2HNN. Hayada Caalamiga ah ee PSI ayaa qabatay kulan ay abaal marino ku gudoon

siinaysay 20 Farmasii oo ku yaala kana hawl gala Boorama kuwaasi oo qayb ka ah barnaamijka loo yaqaan Bulsho Kaab oo loogu tala galay in bahda farmasiiyada lagu dhiiri galiyo inay bixiyaan caafimaad ay tayadiisu sarayso.

Madashan ayaa waxa ka soo qayb galay isuduwaha Caafimaadka ee Gobolka Awdal Dr. Cabdiraxmaan Jaamac Hadi, Saraakiil ka socotay xafiiska dhexe, iyo gobolka Awdal ee hayada PSI, bahda farmasiiyada ee la gudoonsiinayay abaal marinta iyo dadwayne kale oo aad u badan.

Ugu horayntii ayaa waxa halkaasi ka hadlay Mud. Cabdi Barkhad oo ah wakiilka hayada PSI ee gobolka Awdal, waxana uu sheegay in madashan maantu ay tahay mid abaal marino lagu gudoonsiinayo 2o farmasii oo ku yaala Boorama, ujeedada looxushayna ay tahay mid cad “ Waxa hayada PSI ay garawsan tahay in la tayeeyo caafimaadka bulshada la siinayo, si tan loo gaadho waxa muhiim ah in la tayeeyo bahda caafimaadka ee ka hawl gasha farmasiiyada maadaama oo ay yihiin goobaha ugu badan ee caafimaad ahaan ay dadku u soo doontaan, sidaasi aawadeed, waxa lama huraan ah in ay bahda Farmasiiyadu ogaadaan inay ka masuul yihiin caafimaadka bulshada ku xidhan ee wax u soo doonata, anaguna waxa aan isku dayaynaa in marwalba aan kor u qaadno tayada dhinaca aqoonta, agabka iyo xirfadaha kale ee ay u baahan yihiin bahda farmasiiyada ee Boorama.

Madaxa Hayada PSI ee qaybta BULSHO KAAB Mud. Cabdiraxmaan Cali Xirsi oo isaguna ka hadalay halkaasi ayaa waxa uu sheegay in Bulsho-kaab uu yahay barnaamij hirgalay oo ay ku bahoobeen bahda farmasiiyada oo lagu soo xusho shuruudo gaar ah “ Bulsho-kaab waxa ka mid noqda oo kaliya farmasiiyada buuxiyay shuruudaha muhiimka ah ee loo dajiyay barnaamijkan, Boorama 10 farmasii ayaa ka hawl gali jiray, waxana aan ku soo darnay 10 kale oo maanta nala fadhiya, 20kaas farmasii waxa aan gudoon siin doonaa abaalmarino muhiim ah oo dhinaca bixinta adeega Caafimaadka kaalin muhiim ah ka qaadan doona.

Isuduwaha Caafimaadka ee Gobolka Awdal Dr. Cabdiraxmaan Jaamac Hadi ayaa isaguna u mahadnaqay hayada PSI kuna amaanay dadaalka ay ugu jirto tayaynta caafimaadka degaankan, waxana uu ka dalbaday inay sii xoojiyaan adeegyada ay hayaan waxana uu yidhi “ PSI waxqabadkeeda hore ayaan u aragnay, waan bogaadinay waanan soo dhawaynay, maatana waxa aan ka codsanaynaa inay sii laba-laabaan dadaalka iyo bixinta mishiinadan u dambeeyay ee loogu talo galay in lagu burburiyo irbadaha wax lagu mudo, sidoo kale waxa aan ka codsanaynaa bahda farmasiiyadana inay noqdaan kuwo ka faaiidaysta tababarada, aqoonta iyo qalabka ay hayada PSI u keento.

Madashan ayaa waxa kale oo ka haday qaar ka mid ah Madaxda Farmasiiyada ku bahoobay BULSHO KAAB, waxana ay sheegeen inay aad uga mahadnaqayaan aqoonta iyo tababarada ay siiso hayada PSI, waxana ay intan ku dareen in ay bulshada ugu adeegi doonaan si hufan oo hadafkeedu yahay in hiigsado caafimaad tayo leh oo bulshada la gaarsiiyo.

Madashan ayaa intii ay socotay waxa halkaasi lagu gudoonsiiyay abaalmarino kala duduwan 20 farmasii oo ku jira Bulsho-kaab, waxana ay abaalmarinadaasi ka koobnaayeen qaboojiyeyaal iyo mishiinada lagu burburiyo cirbadaha la is ticmaalay, iyada oo ay xusid mudan tahay in farmasiiyada ku jira Bulsho-kaab ay yihiin kuwo laga soo xushay xaafadaha kala duwan ee Boorama, dadka ka hawl galaana ay yihiin dhamaantood arday dhinaca caafimaadka ah oo wax ka barta Jaamacada Camuud kuliyadeeda Caafimaadka iyadoo ay taageerayso hayada PSI.

 

Political Videos.

Suaalo Lala Boobay Labada Prof Ee Samatar Iyo Galyr

Waraysi Cabdi Ismaaciil Samatarm

Warays Wasiir Foosiya Xaaji Aadanm

Profr Samatar iyo Galayr Minneapolism Profr Samatar Faragalinta Kenya Ee Soomaliyam

 

Ku Xidhnaw wararkayaga

Wararkii U Danbeeyey

Wararka Caalamka Oo Dhan

Dad Waynahaan Hanuunina, Hassaawinaa, Oon Danta U Hagnaa, Ma Hakranee Waan U Hawl Galnaa.