ayaa xalay kulan kula yeeshay magaaladda burco waxgaradka beelaha wada dega gobolkaasi.
Kulan oo muhiimadiisu ahayd sidii loo xalin lahaa rabshado mudooyinkii u dambeeyay ka dhacayay magalaadda burco ayaa waxa ka soo qayb galay dhamaan odayaasha iyo waxgaradka deegaanka.
Wasiirka arrimaha gudaha somaliland oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in loo baahanyahay in laga wada shaqeeyo sidii loo ilaalin lahaa nabadgalyada isagoo wasiirku sheegay in reer togdheer looga baahanyahay inay la shaqeeyaan maamulka gobolka.
Waxa kale oo isna halkaasi ka hadlay wasiirka arimaha dibadda somaliland oo reer burco ku amaanay siday ku dhamaysteen arimihii ka dhacay gobolkooda iyo sida fiican ee ay uga shaqeeyaan gobolkooda, waxaanu wasiirku sheegay in hadii arintan reer burco ay soo gali lahaaye faro shiisheeye aan xal loo heleen balse nasiib wanaag reer burco gudahoodii dhameysteen isagoo reer burco ku hanbalyeeyay sida ay markasta u dhamaystaan hawlahoda
Wasiirka duulista iyo hawada somaliland oo isna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in shacabka reer burco looga baahayn isku duubni iyo inay iskaashadaan waxaanu sheegay in dalka hada uu masuul ka yahay madaxwayne ruug cadaa ahi islamrkaana loo baahanyahay in la taagaaerro madaxwaynaha iyo xukuumadiisaba.
Waxa iyagun halkaasi ka hadlay xubno ka tirsan cuqaasha oyo odayaasha reer burco kuwaas oo dhamaantood reer burco u soo jeediyay degenaansho iyo nabadgalyadda ilaaliyaan
Ugu dambayntiina waxa halkaasi lagu sameeyay gudi ka kala tirsan beelaha wada dega gobolka gudidaas oo la sheegay inay la shaqaynayaan maamulka gobolka togdheer qaabka guddida loo xulayna waa sidan
beesha habaryonis 21 xubnood
beesha h/jeclo 21 xubnood
beelaha Arab Bari Iyo Awal Bari 21 xubnood
inkastoo markii dambe la sheegay in tiradan aadka u badan ee gudiidan beelaha la soo koobi doono iyadoo la sheegay in laga dhigo sidan
beesha h/yoonis 5
beesha h/jeclo 5
beesha Arab barri 3
Beesha Awal Bari 3.
HNN. Wasiiradda arimaha gudaha, dibadda iyo duulista iyo hawada somaliland 































