waxaa uu ku sheegay in dowladda ay amar ku bixisay inay dib ugu soo laabtaan magaalada Muqdisho wafdigii maalin ka hor u dirtay, kuwaasoo ahaa gudi labada gole oo uu magacaabay Ra'iisul Wasaaraha.
"Waxaan amar ku siinay wafdigii Kismaayo loo diray iney dib u soo laabtaan, si dawladdu ay go'aan uga qaadato arrinta Kismaayo"ayuu yiri Wasiirka Arrimaha gudaha war uu soo dhigay Twitter-ka
C/kariin Guuleed ayaa sheegay in dowladda Kenya ay u sheegeen in arrimaha siyaasada ay faraha kala baxdo, isagoo xusay in koox Jabhad qabiil oo hubeysan aysan ka talin karin aayaha Jubooyinka
"Koox Jabhad qabiil ah oo hubeysan kama talin karto aayaha bulshada Jubbooyinka, waana u sheegnay dawladda Kenya iney faraha kala baxdo"ayuu ku yiri qoraalka uu soo dhigay Twitter-ka
Sidoo kale wasiirka ayaa sheegay in wafdigii ay u direen Kismaayo ay u sheegeen in Kooxaha Kismaayo isku heysta ay kulan ka dalbadeen, balse howsha wafdiga aanay arrinkaas aheyn.
"Wafdigii aan u diray Kismayo ayaa noo sheegaya in kooxaha Kismaayo isku heysta ay kulan ka dalbadeen, balse howsha wafdiga maahan arrinkaas"ayuu yiri C/kariin Guuleed.
Maalmihii u dambeeyay ayaa Wasiirka Arrimaha gudaha waxaa uu bartiisa Twitter-ka soo dhigayay fariimo uu uga hadlayay xaalada dalka, waxaana soo xiganayay qaar ka mid ah warbaahinta Soomaalida.
HNN. Wasiirka Arrimaha gudaha Soomaaliya C/kariin Xuseen Guuleed ayaa war uu soo dhigay boggiisa Twitter-ka 































