(Saacid) ayaa looga hadlay xaalada magaalada Kismaayo, gaar ahaan maamuladii kala duwanaa ee saacadihii u dambeeyay looga dhawaaqay.
Ra’iisul Wasaare Saacid ayaa sheegay in dowladda ay ka xun tahay marin habaabinta masiirka umada Soomaaliyed ee Jubooyinka, isagoo qeexay in lagu guda jiro
“dowladda Faderaalka ah ee Soomaaliya waxay aad uga xuntahay sida loo jaah-wareershay masiirka hogaan ee shacabka Jubooyinka iyo in Kismaayo looga dhawaaqo labo madaxweyne 15 Maajo 2013, Sidaas daraadeed dawladdu waxay caddeynaysaa inaysan suurto gal u ahayn inay labo madaxweyne u aqoonsato maamulka Jubbaland”ayaa lagu yiri war saxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay soo dhoweyneyso dhimsha maamul Goboleedyada ku yimaada qaabka sharciga waafaqsan, kuna dhisan rabitaanka iyo midnimada shacabka sida uu yiri.
“Iyadoo lagu guda jiro dhamaystirka go’aankii dawladdaha urur goboleedka IGAD ee shirkii Addis Ababa Maajo 3, ee lagu go’aansaday in guddi dhiirigalin oo ka socda wadamada IGAD loo diro magaalada Kismaayo, iyadoo la tixgalinayo rabitaanka rasmiga ah ee shacbiga Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa gobolada Gedo, Jubbada Hoose iyo Jubbada Dhexe.
sla markaana laga taxadarayo xasiloonida iyo dib-u-xoreynta deegaanadada weli gacanta ugu jira kooxaha nabad-diidka ah”ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha.
Sidoo kale waxaa uu sheegay inay xoojinayaan howsha gudiga labada gole ee loo xilsaaray wada xaajoodka iyo dib u heshiisiinta Gobolada Jubooyinka, isagoo ugu baaqay maamulada degmooyinka iyo hogaamiyeyaasha dhaqanka inay si buuxda u taageeraan Gudigaas qaran.
Ugu dambeyn Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku baaqay in la ilaaliyo xasiloonida, lagana dheeraado wax kasta oo caqabad ku noqon kara amniga iyo dib u xoreynta dalka in loo hogaansamo sharciga dalka.
HNN. War saxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaarah Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon 































