oo aanan mudo shan bilood ah helin wax mushahar ah,kadib markii ay degaanadaasi ka tagtay hayada Save the Children oo mushaharooyinka siin jirtay macalimiintan ayaa maanta dadka degaangu gudoonsiiyeen 50 neef oo adhi ah oo ay ugu talo galeen inay macalimiintu magdhaw u qaataan isla markaana sii wadaan waxdhigista dugsigaasi.
Deeqdan ayaa waxa a gudoomay odayaasha degaankaasi gudoomiyaha waxbarashada ee degmada Qulujeed Mud. Cabdilaahi Cumar Miigane, kaasi oo gaarsiiyay xoolahaasi macalimiinta dugsigaasi hoose ee Qol-qolka, sheegayna in ay wasaarada arintan gaarsiiyeen
Macalimiintan ayaa waxa xoolahaasi ugu deeqay gudoomiyaha degaanka Qol-qolka Mud. Cilmi Caynaan, waxana uu sheegay inay sidan garteen markii ay ogaadeen inay macalimiintu bilaa mushahar yihiin isla markaana ay lagama maarmaan u arkeen in la caawiyo si waxbarashadu u sii socoto.
“Waan ka war haynaynaa inta uu xaalku sidan iska bedelayo, waxana aan sheegaynaa in wasaarada waxbarashada looga baahan yahay inay mushaharo u qorto macalimiintan, waanan la xidhiidhnay walina waan sugaynaa inay sida ugu dhaqsaha badan uga soo jawaabtana waa mida ugu muhiimsan ayuu yidhi Mud. Cilmi.
Warka noocan ah ee ku saabsan in macalimiin mudo dheer ay bilaa mushahar ku yihiin gobolka Awdal ayaa waxa uu waji gabax ku noqonayaa Sarkaalka labaad ee ugu sareeya Wasaarada Waxbarashada Cali Xaamud Jibriil oo gobolkan ka soo jeeda, isla markaana ay muuqanayso inaanu waxba ka ogayn baahida waxbarsho iyo duruufta macalimiinta ee degaan aan sidaas uga sii fogayn Magaalada Boorama oo uu inta badan soo gaadho, iyada oo ay hore xukuumadu u shaacisay inay dugsiyada hoose waxbarashadooda bilaash ka dhigtay macalimiinta mushaharkoodana balan qaaday.
HNN. Macalimiinta wax ka dhigta dugsiga hoose ee Qolqol ee degmada Qulujeed 































