idil
Dr_Cabdulqaadir
Thursday, 16 May 2013 15:15

UK Iyo Us Oo Cadaadis Saaraaya Suuriya

ukUsHNN. Madaxweynaha dalka Mareykanka, Barack Obama, ayaa sheegay in Mareykanka iyo Britain ay ku heshiiyeen in la kordhiyo cadaadiska saaran maamulka Suuriya si loo aqbalo mustaqbal aanu ku jirin Madaxweyne Bashar al-Asad.

Shir jaraaid oo ay si wada jir ah u qabteen Raiisul Wasaaraha Britain David Cameron, iyo Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama magaalada Washington ayaa ayaa waxa ay sheegeen in labada dal ay ka wada shaqeyn doonaan sidii la isugu keeni lahaa wakiilada rejiimka Suuriya iyo mucaaradka shir nabadeed oo ka dhaca magaalada Geneva toddobaadyada soo socda.

Raiisul Wasaare David Cameron waxa uu sheegay in Britain ay caawinaad dheeraad ah siineyso wax uu ugu yeeray mucaaradka aan xagjirka ahayn ee Suuriya.

Waxa uu sheegay in tani ay tahay qaabka keliya lagu gaari karo wada xaajood lagu soo afjaro dagaalka halkaasi ka socda.

Last modified on Thursday, 16 May 2013 15:32
 

Political Videos.

Suaalo Lala Boobay Labada Prof Ee Samatar Iyo Galyr

Waraysi Cabdi Ismaaciil Samatarm

Warays Wasiir Foosiya Xaaji Aadanm

Profr Samatar iyo Galayr Minneapolism Profr Samatar Faragalinta Kenya Ee Soomaliyam

 

Ku Xidhnaw wararkayaga

Wararkii U Danbeeyey

Wararka Caalamka Oo Dhan

Dad Waynahaan Hanuunina, Hassaawinaa, Oon Danta U Hagnaa, Ma Hakranee Waan U Hawl Galnaa.