Technology News

Lenovo: researchers find 'massive security risk'

The Chinese PC manufacturer Lenovo has been accused of running a "massive security risk" after…

EU wants iPlayer access extended across Europe

EU officials want the public to be able to continue using catch-up services, such as the BBC's…

Yahoo tests ear-based smartphone identification system

Yahoo is working on a way of unlocking a mobile phone using the owner's ear rather than a password…

Twitter reports disappointing sales

Twitter has reported lower than expected revenue for the first three months of the year, saying…
A gold plated Apple Watch is seen at an Apple Store in Berlin, April 10, 2015.

Apple Watch Rolls Out in Fashion Boutiques

Apple's smartwatch went on sale Friday, but only a few people in the world could actually go into a…

Bitcoins 'losing' value for cyber-thieves

The falling value of bitcoins have made them much less attractive to cyber-thieves, claims a…

Rail signal upgrade 'could be hacked to cause crashes'

A hi-tech signalling system that will eventually control all of Britain's trains could potentially…

Valve expands video game 'mod' market

Game maker Valve has expanded its online store to let players who make modifications or 'mods' for…

Ellen Pao faces $1m legal bill in sexism case

Ellen Pao, the woman who took a Silicon Valley firm to court over sexism claims and lost, has been…

Samsung S5 fingerprint flaw exposed

Hackers can take copies of fingerprints used to unlock the Samsung Galaxy S5 phone, claim security…
Tuesday, 10 February 2015 23:07

Madaxwyne Xassan Oo Booqaday Dhusamreeb, Furayna Shirka Nabadaynta Kuna Soo Noqday Muqdisho (Sawirro)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa soo gabagabeeyey safarkii uu ku tagay degmada Dhuusa-mareeb ee gobolka Galgaduud, isagoo si rasmi ah u soo furay shirka dib u heshiisiinta beelaha dega gobollada dhexe ee Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ay safarkiisa ku wehliyeen wasiirro ka tirsan Xukuumadda, ayaa waxaa si weyn degmada Dhuusamareeb ugu soo dhoweeyey, maamulka gobolka, odeyaasha Dhaqanka, siyaasiin, Xildhibaanno iyo kumanaan dadweynaha degmadaasi.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa meelo kala duwan oo Dhuusamareeb ah booqdey, halkaasi oo ay si weyn ugu soo dhoweeyeen bulshada degmada, madaxweyne Xasan Sheekh ayaa soo indha-indheeyey halka loogu talagalay in lagu qabto shirka dib u heshiisiinta gobollada dhexe ee Soomaaliya.

Madaxweynaha, ayaa sheegay in gobollada dhexe dalka Soomaaliya guud ahaan ay u leeyihiin muhiimad gaar ah, isla markaana ay muhiim tahay midnimada dadka deegaanka dowladda dhexena ay si gaar ah xil isaga saareyso sidii loo gaari lahaa, maamul iyo kala dambeyn, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaana si rasmi ah u furay shirka dib u heshiisiinta ee Mudug iyo Galgaduud kaddib munaasibad uu uga qeyb-galay Hoolka shirkaasi lagu qabanayo.

Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa bulshada gobollada dhexe ugu baaqay in ay midoobaan oo ay shirkan ka soo saaraan tallooyin ku dhisan degnaansho iyo wadajirka dadweynaha Soomaaliyeed ee Mudug iyo Galgaduud, waxa uu intaa raaciyey in lagama maarmaan ay tahay maamul ay yeeshaan gobollada dhexe.

Ugu dambeyntii madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa degmada Dhuusamareeb tababar ugu soo xiray ciidamo ka tirsan hey’adda NISA, waxa uu madaxweynuhu u jeediyey dardaaran ku aaddan in ay dalka iyo dadka Soomaaliyeed ka difaacaan kuwa nabadda diidan, isla markaana ay ka mid noqdaan ciidamada Qaranka Soomaaliyeed ugu dhaqanka wanaagsan, iyagoo dhowraya Xaquuqda muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Madaxweynaha iyo wefdigiisa, ayaana caawa dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Xulka Heemaal Ee Dhacdooyinka Caalamka

About Us

Dad weynahaan hanuuninaa, hasaawinaa,
danta u hagnaa, ma hakranee waan u
hawl galnaa.
 
Habeen iyo dharaar hadaladaan dhisnaa,
afkeena hooyo oo horumaraan kuhaminaa,
hogaaminaa, had iyo jeerhabnaa, oo waan
hagaajinaa, ma hakranee waan u hawl galnaa,
murtidaan hurinaa, kala hufnaa,haqabtirnaa
u heelanahay,dadweyanahaan hanuuninaa,
hasaawinaa danta u hagnaa.
 
Buraanbur iyo hees, hello iyo ciyaar,
gabayo haybadliyo hadhaale baanu
hindisnaa, hurdadaan guyaal ka hajirnaa,
naftayadaan hurnaa, ma hakranee waan
u hawl galnaa, dadweynahaan hanuuninaa
hasaawinaa danta u hagnaa.

 

 

Contact Us

Waxaad nagala soo xidhiidhi kartaa e-mailka hoos ku qoran, 

  • Address : Waxaan ka hawl galnaa dhamaan gayiga Soomaliyeed, hadii aad u baahato in aad nala soo xidhiidho kaliya Emailka hoos yaal ku soo qor fariintaada iyo sida ugu fudud ee aan kuula soo xidhidhi karno, annaga ayaa si dhakhso ah kuula soo xidhiidhayna

  • Email : This email address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it.

  • Phone1 :  
    Phone2 : Telefonadu way badan yihiin halkan kuma soo koobi karno, ee hadii aad u baahan tahay in aan kula soo hadalno noo soo qor telkaaga, iyo magacaaga annaga ayaa kula soo hadli sida ugu dhakhso badan ee ugu macquulsan, dabcan ha ilaawin in aad noo qorto wakhtiga dalka aad ku nooshahay.

 

 

 

Maxaa Cusub

  • Xukuumadda Somaliland Oo Iskugu Yeedhay Hogaanka Dhaqanka Beelaha Somaliland Iyo Culimada, Kana Hor Timid Goaan Uu Soo Jeediyey Cabdiraxmaan Saylici Wararka hadda naga soo gaadhaya xarunta madaxtooyadda Somaliland ayaa sheegay in xaalad cakiran…
  • Xildhibaan Ibraahim Axmed: Xukuumada Xamar Waxaan Uga Fadhinaa In Ay Jawaab Degdeg Ah Naga Siiso Dilkii Marxuum Yuusuf Dirir Iyo Mukhtaar Maxamed (Video) Xildhibaan Ibraahim Axmed: Xukuumada Xamar Waxaan Uga Fadhinaa In Ay Jawaab Degdeg Ah…
  • Shirka Nabadaynta Beelaha Barriga Burco Iyo Buuhoodle Oo Si Habsami Leh U Furmay (Video) Shirka Nabadaynta Beelaha Barriga Burco Iyo Buuhoodle Oo Si Habsami Leh U Furmay…