Breaking News
RAWAH 2013 POSTER modification12

Wararka Af Soomaliga Ah

Dood Iyo Canbaarayn USA Loo Jeediyey Kadib Ayuu Baarlamaanka Jarmalka U Codeeyey In Ciidamo Loo Diro Somaliya,

Apr 05, 2014
Dood Iyo Canbaarayn USA Loo Jeediyey Kadib Ayuu Baarlamaanka Jarmalka U Codeeyey In Ciidamo Loo Diro Somaliya,

Barlamaanka dalka Jarmalka ayaa meel-mariyay qorshe muddo badan lagu muran sanaa oo la xiriira in tababarayaal ka socda dowladdaas ay si toos ah uga howl-galaan magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Ciidamo gaaray 20-askari oo ay ku jiraan khuburo dhinaca militariga ah ayaa ku biiri doona howl-galka Midowga Yurub ee Soomaaliya si ay u tababaraan ciidamada dowaldda oo horumar ballaaran samaynayay bilihii ugu danbeeyay.

"Dowladdu waxa ay aaaminsantahay in ciidamadeena ay ka shaqayn doonaan goob amnigeedu uu suganyahay oo ka tirsan garoonka diyaardaha ee magaalada Muqdisho "ayuu yiri Philipp MiƟfelder oo ah afhayeenka dhinaca siyaasadda dibadaha ee xisbiga talada haya, kaasoo ka hadlayay dood adag oo barlamaanka ay arintaa ka yeesheen.

Barlamanka ayaa ciidamadan tagaya Soomaaliya u qabtay ilaa iyo 31 Maarso ee sanadka 2015-ka ,waana xilli wax badan ka soo horeeya waqtiga loo qorsheeyay in la qabto doorashada ka dhacaysa gudaha dalka oo ku began sanadka 2016-ka

Qorshahan waxaa qaadacay xisbiyada mucaaradka ee dalkaas sida xisbiga bidixda iyo kan Greens-ka ,iyaga oo ku tilmaamay arintan mid aan wax badan ku soo kordhinayn Soomaaliya oo ay ka dhaceen dagaallo muddo badan soconayay.

"Kuwa aad ciidamadooda tababaraysaan waxa ay ku eedaysanyihiin in ay ka qayb-qaateen arimo xad-gudub ku ah xuquuqda aadanaha"ayey tiri ku xigeenka xisbiga bididxda oo lagu magacaabo Sevim Dagdelen oo ka hadlaysay kulankii barlamaanka.

Ugu danbayntii afhayeen u hadlay xisbiga Greens ayaa dowladda Maraykanka ku eedeeyay duqaymaha ay Soomaaliya ka gaystaan diyaaradaha bilaa duuliyaha ah ee loo yaqaan (Drons-ka ),waxaana uu ku tilmaamay arintaas mid xad gudub ku ah sharciyada caalamiga ah .

Wixii Talo Iyo Tusaale Ah Noogu Soo Dir heemaalnews@gmail.com

Submit to DeliciousSubmit to DiggSubmit to FacebookSubmit to Google PlusSubmit to StumbleuponSubmit to TechnoratiSubmit to TwitterSubmit to LinkedIn
WakhtigaSalaada Sxa

Somali Films

Dhibtii Jaadka Lga
Dhibtii Jaadka Lga Raysay Ruwaayad Kaltuun Bacado Iyo Faarax Murtiile
Flimkii Inta Badan La
Flimkii Inta Badan La Sugaayey Ee Fadeexadii Facebooka-ga Oo Hada Dhamaaday (Video)
Film Cusub Oo La Magac
Mirqaanka Iyo
Ilaahay Umadiisa Part V
Ilaahay Umadiisa U Nabad Gali Sooraan Iyo Jawaan Part V
Ilahay Umadiisa Par IV
Axda Geedka Dhacaya