Tirada Maalmaha Uga Hadhay Wakhtigii Loo Doortay In Uu Xilka Madaxtinimada Hayo Madaxweyne Siilaanyo

 

 

Tuesday, 27 January 2015 09:42

Ciidamada Dowladda iyo Amisom oo Shabaab kala wareegay deegaanada Gelgel iyo Buulo Xaawo ee Gobolka Baay

amisonGudoomiyaha Degmada Berdaale ee Maamulka Gobolka Baay Maxamed Isaaq Xasan (Cara-case), oo la hadlay Warbaahinta gudaha waxa uu xaqiijiyay inay si buuxdo ula wareegeen deegaanada Gelgel iyo Buulo Xaawo.

Gudoomiyaha, ayaa si kulul Shabaabka ugu eedeeyay inay dhibaato joogto ah ku hayeen dadka deegaanka, taasina ay keentay in Ciidamada Dowladda iyo Amisom, ay jawaab ku haboon ka bixiyaan.

Shabaabka, ayaa waxaa lagu dhaliilaa in dhibaatooyin baahsan ay ku hayaan shacabka ku nool dhulka ay ka jooggaan Gobolada Koonfurta iyo Bartamaha Somaliya, si ay dagaalada u sii wadaan.

Faah faahin rasmi ah lagama haayo khasaaraha guud ee ka dhashay dagaalkaan, kolka laga soo taggo in Ciidamada Dowladda iyo Amisom ay guulo ka gaareen maleeshiyada Al Shabaab.

Wixii Talo Iyo Tusaale Ah Noogu Soo Dir heemaalnews@gmail.com

Submit to DeliciousSubmit to DiggSubmit to FacebookSubmit to Google PlusSubmit to StumbleuponSubmit to TechnoratiSubmit to TwitterSubmit to LinkedIn

Xulka Heemaal Ee Dhacdooyinka Caalamka

About Us

Dad weynahaan hanuuninaa, hasaawinaa, danta u hagnaa, ma hakranee waan u hawl galnaa. Habeen iyo dharaar hadaladaan dhisnaa, afkeena hooyo oo horumaraan ku haminaa, hogaaminaa, had iyo jeer habnaa, oo waan hagaajinaa, ma hakranee waan u hawl galnaa, murtidaan hurinaa, kala hufnaa, haqabtirnaa u heelanahay, dadweyanahaan hanuuninaa, hasaawinaa danta u hagnaa.

Buraanbur iyo hees, hello iyo ciyaar, gabayo haybadliyo hadhaale baanu hindisnaa, hurdadaan guyaal ka hajirnaa, naftayadaan hurnaa, ma hakranee waan u hawl galnaa, dadweynahaan hanuuninaa hasaawinaa danta u hagnaa

 

 

Contact Us

Waxaad nagala soo xidhiidhi kartaa e-mailka hoos ku qoran, 

  • Address

  • Email : This email address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it.

  • Phone1 :  
    Phone2 

 

 

 

Maxaa Cusub

  • Xukumada Somaliland Oo Ka Jawaabtay Tabashadii Gobolada Galbeedka Iyo Jawaabta Oo Ku Dhici La' Dhagaha Hogaanka Dhaqanka Waxaa isa soo taraya isdiidsiinta xukuumada Somaliland is diidsiinayso, wax ka qabashada tabashadii…
  • Madaxweyne Siilaanyo Oo xadhiga Ka Jaray 350 Guri Oo Mashruuca GPL-ku Ka Hir Galisay Hargaysa Dan Yarna U Qaybshay (Video) Madaxweyne Siilaanyo Oo xadhiga Ka Jaray 350 Guri Oo Mashruuca GPL-ku Ka Hir…
  • Madaxweyne Siilaanyo Oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Safiirka Dalka Talyaaniga U Fadhiya Wadanka Kenya (Video) Madaxweyne Siilaanyo Oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Safiirka Dalka Talyaaniga U Fadhiya Wadanka Kenya…