Breaking News
RAWAH 2013 POSTER modification12

Wararka Af Soomaliga Ah

QM Oo Qaraar Ay U Codeeyeen Boqol Wadan Ka Soo Saartay Aftidii Laga Qaaday Shacabka Crimea

Mar 28, 2014
QM Oo Qaraar Ay U Codeeyeen Boqol Wadan Ka Soo Saartay Aftidii Laga Qaaday Shacabka Crimea

Golaha Guud ee Qaramada Midoobe ayaa u codeeyay qaraar qeexaya in ay sharci darro aheyd aftidii uu Ruushka taageeray ee laga qabtay Gobolka Crimea ee waddanka Ukraine.

Qaraarku waxa uu sidoo kale taageeraya madaxbanaanida dhulka ay maamusho Ukraine.

Boqol waddan ayaa u codeeyay qaraarka, 11 kalana waa ay diideen iyadoo ay goobta ka maqnayeen wakiilada 58 dal oo kale.

Qaraarkan ma aha mid sharciyan wax badeli kara ama awood leh balse taageerayaasha Ukraine ee reer galbeedka ayaa rajeynaya in uu sii xoojin doono go’doominta dhinaca diblumaasiyada ee Ruushka.

Safiirka Midowga Yurub u jooga Qarama Midooday, Thomas Harr-Harting, ayaa sheegay in ay tahay in aanan awood la adeegsan si loo badelo xuduudaha wadammada.

Inta aanan codka loo qaadin qaraarkaas, ayaa safiirka Ruushka u fadhiaya Qaramada Midoobay, Vitaly Churkin, ayaa ka codsaday gollahu in uu ixtiraamo natiijada aftida laga qaaday Cremia oo inta badan dadka degan ay ka soo jeedaan Ruushka kuwaas oo taageeray aftida una codeeyay in ay ku biiraan Ruushka.

Dhinaca kale Ukraine ayaa sheegtay in ay rajaynayso in qaraarkaas Qaramada Midoobay uu hor istaagi doono in Ruushka uu ku sii xadgudbo dhulkeeda.

Wixii Talo Iyo Tusaale Ah Noogu Soo Dir heemaalnews@gmail.com

Submit to DeliciousSubmit to DiggSubmit to FacebookSubmit to Google PlusSubmit to StumbleuponSubmit to TechnoratiSubmit to TwitterSubmit to LinkedIn

Nala Saaxiib Oo Hel Wararkayaga

WakhtigaSalaada Sxa

Somali Films

Dhibtii Jaadka Lga
Dhibtii Jaadka Lga Raysay Ruwaayad Kaltuun Bacado Iyo Faarax Murtiile
Flimkii Inta Badan La
Flimkii Inta Badan La Sugaayey Ee Fadeexadii Facebooka-ga Oo Hada Dhamaaday (Video)
Film Cusub Oo La Magac
Mirqaanka Iyo
Ilaahay Umadiisa Part V
Ilaahay Umadiisa U Nabad Gali Sooraan Iyo Jawaan Part V
Ilahay Umadiisa Par IV
Axda Geedka Dhacaya

Follow HemaalNews On Twitter