Technology News

Lenovo: researchers find 'massive security risk'

The Chinese PC manufacturer Lenovo has been accused of running a "massive security risk" after…

EU wants iPlayer access extended across Europe

EU officials want the public to be able to continue using catch-up services, such as the BBC's…

Yahoo tests ear-based smartphone identification system

Yahoo is working on a way of unlocking a mobile phone using the owner's ear rather than a password…

Twitter reports disappointing sales

Twitter has reported lower than expected revenue for the first three months of the year, saying…
A gold plated Apple Watch is seen at an Apple Store in Berlin, April 10, 2015.

Apple Watch Rolls Out in Fashion Boutiques

Apple's smartwatch went on sale Friday, but only a few people in the world could actually go into a…

Bitcoins 'losing' value for cyber-thieves

The falling value of bitcoins have made them much less attractive to cyber-thieves, claims a…

Rail signal upgrade 'could be hacked to cause crashes'

A hi-tech signalling system that will eventually control all of Britain's trains could potentially…

Valve expands video game 'mod' market

Game maker Valve has expanded its online store to let players who make modifications or 'mods' for…

Ellen Pao faces $1m legal bill in sexism case

Ellen Pao, the woman who took a Silicon Valley firm to court over sexism claims and lost, has been…

Samsung S5 fingerprint flaw exposed

Hackers can take copies of fingerprints used to unlock the Samsung Galaxy S5 phone, claim security…
Sunday, 25 January 2015 20:48

Aayahiina ka tashada Tolkaygoow

Bismilaahi raxmaani raxiim

Asalaamu calaykum wa raxmatulaahi wa barakaato,

Marka hore waxaan salaamayaa dhamaan bulshowaynta reer Awdal, Salal iyo Gabilay meel kastooy joogaan .Waxaa igu kalifay maqaalkan inaan qoro dhibaatooyinka isa soo taraya ee dhulkaygii hooyo ka jira..

Waxaan halkan jecelahay inaan dhawr arimod ka hadlo oo ku aadan arimaha ka jira gobolada Awdal, Salal iyo Gabilay. Waxaan jecelahay inaan la hadlo Beesha aan ka soo jeedo ee ah Beelwaynta SAMAROON.

Waxaan wada ogsoonnahay in waayadan danbe xaalada siyaasadeed ee dhulkii aay meel adag marayso. Waxaan sidoo kale ogsoonnahay in dhawaan Suldaan ka mida salaadiinta beesha Gedabuursi (Suldaan ABIBAKAR CILMI WABAR) isaga ooy ku wehelinayaan siyaasiyiin iyo wax garad ka soo jeeda gobolada galbeedka S/L oo haw hormuud u yahay mayorkii hore ee magalaada Boorama Siyaasi ABDIRAHMAAN SHIDE BILE ay ku dhawaaqeen madaxbanaanida Gobolada Galbeedka iyo inay ka go’een Maamulka Somaliland Go’aankaasi oo sobobo badan oo xaqiiqada cuskanaya.

Soomaalidu waxay tiraah dheriga waxaa karka ka keena kulayl. Cidna maanta ma inkri karto in Gedabuursi ku dulmanyahay dhulka aw degenyahay nasiib darase dadkeenii waxay noqdeen in iska indha tirta waaqaca jira iyo in been naftooda iyo dadkooga ku maaweelisa oo mishaharkooga ilaashanaya. Waxaa wax laga xumaado ah in maanta dadkeenu noqdaan dad ku kala qaybsan masiirka iyo mustaqbalka dhulkooga iyo caruurtooda.

Waxaa kaloo wax laga xumaado ah in maanta dad shisheeye ah ka faaidaysanayaan oo la isku dirayo dadkeenuna doorteen inay fahmi waayaan xaaladu siday tahay iyo waxa laga maagnyahay.

Divide and rule baa maanta loo adeegsanayaa Gedabuursina wuxuu doortay inay iyagu iscadaadiyaan halkay cadawga iyo shisheeyaha u tashanaya iska cadaadin lahaayeen eey iska dhicin lahaayeen.Sidoo kale Waxaa wax laga calool xumaado ah in maanta Salaadiintii, aqoonyahankii iyo wax garadkii beeshu xilkoogi gabeen ooy noqdeen kuwo iyagu dadka aay matalayaan kala jabiya oo kala kaxeeya halkay isku keeni lahaayeen yacni waa reer ba’aw yaa ku leh xaalku!!..Dad badan baa ku andacoonaya ammaan daraa dhulkii ka bilaabantay inuu sobob u yahay halganka Suldaan Wabar iyo xulafadiisa.

Dadka sidaa leh waa dad caqligooga yari siiyay inay sidaa u fikiraan waana dad ka fikiraya dantooda gaarka ah. Cida ka danbaysa maanta ammaan darada Boorama xaruntii amaanka Soomaaliya waa la ogyahay waa cida kuu diidan inaad xuquuqdaada sharcigu ku siiayay hesho waa cida dhalinyaradiinii bilaa shaqada ka dhigtay eey tahriib ku dhamaadeen, waa cida bilaa airport kaa dhigtay, waa cida kuu diidan inaad deked yeelatid ood u madax baanaanatid dhaqaalahaaga iyo wax soo saarkaaga, waa cida buurahaaga iyo khayraadka dhulkaaga adoo arkaya boobaysa eed waxba ka odhan kari laada’y, waa cida rabta inay xoog ku qabsato dhulkaaga isla markaana u sexeexaysa umad kale deegaanadaada qaarkood, waa cidii ku dhawaad 1000 qof ku xasuuqday magaalo madxda boorama maalin galinkeed, waa cida ilaa maanta dadkaaga waxba gaysan gawracayso markay doonto, waa cida cabashooyinkaaga iyo tabashooyinkaaga kaga jawaabaysa inay dabaal tegto iyo dhagax qalalan oo meel la dhigo, waa cida maanta ku le waxbaa iga maqan ma odhan kartid xoogna waad ku ogolaanaysaa maamulkayaga waayo waan kaa adkahay marwalba,waa cida maanta ciidanka ku dul dhigtay ee habeenkiina dadkaaga ugaadhsanaysa ee midiyaynaysa ,waa cida bandooga kugu soo rogtay, waa cida dhalinyarta dadkooga u hadlaya xabsiyada u taxaabaysa ee mudaaharaadkii silmiga ahaana u diiday, waa cida marna kuu ogolaanayn inaad madax la kacdo,waa cidaa…..waxaas oo dhana SNM waxay sexeexday shirkoogii 1993 halkaasi oo cunaqabatayn caadiya Gedabuursi lagu soo rogay cid wax ka tiraahna la waayay iyadooy odayaasheenu wada ogyihiin!!……..Hadaba isku soo wada duuboo tolkayoow maxaan runta uga meeraysanaa oon inagu iskugu meeraysanaa mar kaste.

Mise waxaan iska aaminaa waaqacan dhibaatada ku salaysan oo waxaan niraah waa qadar, Ilaahy baa quraankiisa ku sheegay oo Yiri SWT Ilaahay qowmna ama umad ma badelo ilaa iyagoo iyagu isbadela mooyaane. Tolkayoow indhahiina wax badan u fura maskaxdiinana si fiican u adeegsada una tudha mustqbalka dhalinta maanta iyo kuwa mustaqbalka soo socda Soomaalidu waxay tiraah nin shantaadu kaa celin sharci kaama qabto ilaa goorma uun baan ahaanaynaa dad masiirkooga u daba fadhiisnaya dad qayrkood ah inagoo og halkeen taariikhada kaga jirno iyo sideen u ahaan jirnay libaaxyada geeska Africa waayada qaar.

arintaasi murug iyo warwar wayn bay nagu haysaa hadaan nahay haweenka Gedabuursi. Tolkayoow Wax kaste xad bay leeyihiine aayihiina u tashada inigoo isku duuban waaqacan wax ka badela miyaadan cabasho iyo tabasho ka daalayn! . Dadkan maamulkan laanta samaystay waa dad iyaguba shalay dhib lagu hayay awgeed go’aan ku gaadhay oo maamul u gaara samaysatay dhibtii shalay aay diideen ayay rabaan inay dad sidooda ah ku istcmaalaan.

Maanta ayaad Samaroonoow fursad haysatiin eek a faaidaysta Fursaduna mar uun bay soo martaa bani aadmaka.Khaastan waxaan leehay dhalinyarta ha niyad jabina oo yaa jaahwareer la inigu ridine aayihiina ka tashada waayo mustaqbalku waa iniga!..

Suldaan WABAR iyo dhamaan HALGAMAYAASHA kale taageero ayay mudanyihiin waxay dhib kaste ugu talo galeen inay u maraan dadkooga siday dhibta lagu hayo ee curyaamisay uga bixi lahaayeen eey ugu abuuri lahaayeen dadkeena waaqac ka imika ka duwan oo barito lagu faano laguna raaxyasto ooy caruurteenu u aayaan Insha Allah. Ugu danbayntii Fadlan dadkaygoow Inigoo Ilaahay la kaashanaya midnimada xoojiya oo dhalinyarta jaahwareerka ka daaya umad dagaalami karayn oo ka cabsoonaysa waligeed guul ma gaadho waana lagu dul socon waligeed .

Cidna xoolo aay leeyihiin ma damcaysiin oo cidna ma dulmaysiin laakiin waa xaqiinii waxaad raadinaysiin taas ogsoonaada ILAAHAYNA MARNABA INIMA DAYICI DOONO waxaana hubaala in hadii la ini arko inigoo mida go’aan qudhana gaadhay in dib la iniiga joogsan doono.

Tolkayoow Guul iyo midnimaan inii rajaynayaa marwalba Guulaysta Insha Allah . WBT

Idil Ahmed

This email address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it.

Xulka Heemaal Ee Dhacdooyinka Caalamka

About Us

Dad weynahaan hanuuninaa, hasaawinaa,
danta u hagnaa, ma hakranee waan u
hawl galnaa.
 
Habeen iyo dharaar hadaladaan dhisnaa,
afkeena hooyo oo horumaraan kuhaminaa,
hogaaminaa, had iyo jeerhabnaa, oo waan
hagaajinaa, ma hakranee waan u hawl galnaa,
murtidaan hurinaa, kala hufnaa,haqabtirnaa
u heelanahay,dadweyanahaan hanuuninaa,
hasaawinaa danta u hagnaa.
 
Buraanbur iyo hees, hello iyo ciyaar,
gabayo haybadliyo hadhaale baanu
hindisnaa, hurdadaan guyaal ka hajirnaa,
naftayadaan hurnaa, ma hakranee waan
u hawl galnaa, dadweynahaan hanuuninaa
hasaawinaa danta u hagnaa.

 

 

Contact Us

Waxaad nagala soo xidhiidhi kartaa e-mailka hoos ku qoran, 

  • Address : Waxaan ka hawl galnaa dhamaan gayiga Soomaliyeed, hadii aad u baahato in aad nala soo xidhiidho kaliya Emailka hoos yaal ku soo qor fariintaada iyo sida ugu fudud ee aan kuula soo xidhidhi karno, annaga ayaa si dhakhso ah kuula soo xidhiidhayna

  • Email : This email address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it.

  • Phone1 :  
    Phone2 : Telefonadu way badan yihiin halkan kuma soo koobi karno, ee hadii aad u baahan tahay in aan kula soo hadalno noo soo qor telkaaga, iyo magacaaga annaga ayaa kula soo hadli sida ugu dhakhso badan ee ugu macquulsan, dabcan ha ilaawin in aad noo qorto wakhtiga dalka aad ku nooshahay.

 

 

 

Maxaa Cusub

  • Halkan Ka Daawo Muuqaalada Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland iyo Gudoomiyayaasha Sadexda Xisbi Oo Ka Hadlay Heshiiska Ay Ku Gaadheen Wakhtiga Doorashdu Qabsoomayso Halkan Ka Daawo Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland iyo Gudoomiyayaasha Sadexda Xisbi Oo Ka…
  • Saddexda Xisbi Ee Soomalinad Oo Ku Heshiiyey Waqtiga Rasmiga Ah Ee Ay Dhacayso Doorashooyinka Somaliland (Duk) War hadda na soo gaadhay ayaa sheegay in saddexda xisbi ee Somaliland ku…
  • Kuuriyadda Koonfureed, Japan Iyo Maraykanka Oo Ka Shiray Hubka Nukliyeerka Ee Kuuriyadda Waqooyi Oo Hormar Laga Gaadahay Saraakiil sar sare oo ka socda Mareykanka, Kuuriyada Koonfureed, iyo Japan ayaa isku…