Sunday, 25 January 2015 12:25

Madaxweynaha Turkiga Oo Xadhiga Si Rasmi Ah Uga Jaray Terminalka Cusub Ee Adan Cadde Airport, Hadal Koobana Ka Jeediyey

Madaxweynaha Turkiga Recep Erdogan ayaa xarigga ka jaray Terminal-ka cusub ee garoonka diyaaradaha Soomaaliya lagu kordhiyay, isagoo ku xarig jaridda ku billabay magaca Alle iyo bisinka.

 Erdogan ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu kala soo qaybgalo, xarig jarka Terminal-ka cusub, isgaoo u mahad gaar ah u celiyay shirkadda FAVORI LLC ee laga maamusha garoonka, lagana leeyahay dalka Turkiga, wuxuuna sheegay in shirkadaha Turkiga ay howlaha horumarineed halkooda kasii wadaan. 

Waxaan maanta ku faraxsanahay inaan furo Terminal-ka cusub ee lagu soo kordhiyay garoonka diyaaradaha Muqdisho, caawinta shacabka Soomaaliya waan sii wadaynaa ayuu yiri Erdogan

Sidoo kale, madaxweynaha Somalia ayaa isaguna hadlay oo u mahadceliyay dowladda Turkiga iyo shacabkeeda oo uu sheegay inay yihiin walaalo aanay illoobi karin gacanta ay siiyeen shacabka Soomaaliyeed. 

Madaxweyne kusoo dhawoow dalkaagii labaad, waxaana idin kaga mahad-celinaynaa mashaariicda ay ka fuliseen Somalia, kuwaasoo ah kuwo aanay shacabka Soomaaliyeed illaawi doonin ayuu hadalkiisa ku daray Xasan Sheekh

Xarig-jarka kaddib labada madaxweyne waxay aadeen Isbitaalka Digfeer oo uu mar kale xarigga ka jari doono madaxweynaha dalka Turkiga, inkastoo uu shalay uu xarigga si rasmi ah uga jaray wasiirka caafimaadka Turkiga oo kaga soo horreeyay Muqdisho. 

Madaxweyaha Turkiga Erdogan ayaa la guddoonsiiyay hadiyado uu ka mid yahay kitaabka Qur’aanka Kariimka, isagoo sheegay in hadiyaddan ay tahay mid aad qaali u ah. 

Si kastaba ha ahaatee, booqashadan ayaa waxay noqonaysaa tii labad oo uu madaxweynaha Turkiga ku yimaado Muqdisho, waxaana wafdigan ay joogi doonaa Muqdisho illaa gellinka dambe ee maanta. Isagoo inta uu Muqdisho joogo kulammo la yeelan doono madaxda dalka.

Wixii Talo Iyo Tusaale Ah Noogu Soo Dir heemaalnews@gmail.com

Submit to DeliciousSubmit to DiggSubmit to FacebookSubmit to Google PlusSubmit to StumbleuponSubmit to TechnoratiSubmit to TwitterSubmit to LinkedIn

Xulka Heemaal Ee Dhacdooyinka Caalamka

About Us

Dad weynahaan hanuuninaa, hasaawinaa,
danta u hagnaa, ma hakranee waan u
hawl galnaa.
 
Habeen iyo dharaar hadaladaan dhisnaa,
afkeena hooyo oo horumaraan kuhaminaa,
hogaaminaa, had iyo jeerhabnaa, oo waan
hagaajinaa, ma hakranee waan u hawl galnaa,
murtidaan hurinaa, kala hufnaa,haqabtirnaa
u heelanahay,dadweyanahaan hanuuninaa,
hasaawinaa danta u hagnaa.
 
Buraanbur iyo hees, hello iyo ciyaar,
gabayo haybadliyo hadhaale baanu
hindisnaa, hurdadaan guyaal ka hajirnaa,
naftayadaan hurnaa, ma hakranee waan
u hawl galnaa, dadweynahaan hanuuninaa
hasaawinaa danta u hagnaa.

 

 

Contact Us

Waxaad nagala soo xidhiidhi kartaa e-mailka hoos ku qoran, 

  • Address : Waxaan ka hawl galnaa dhamaan gayiga Soomaliyeed, hadii aad u baahato in aad nala soo xidhiidho kaliya Emailka hoos yaal ku soo qor fariintaada iyo sida ugu fudud ee aan kuula soo xidhidhi karno, annaga ayaa si dhakhso ah kuula soo xidhiidhayna

  • Email : This email address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it.

  • Phone1 :  
    Phone2 : Telefonadu way badan yihiin halkan kuma soo koobi karno, ee hadii aad u baahan tahay in aan kula soo hadalno noo soo qor telkaaga, iyo magacaaga annaga ayaa kula soo hadli sida ugu dhakhso badan ee ugu macquulsan, dabcan ha ilaawin in aad noo qorto wakhtiga dalka aad ku nooshahay.

 

 

 

Maxaa Cusub

  • Daawo Dhacdo Yaab Leh Oo ka Dhacday Sacuudiga Waxna Lagu Tusay Kuwa Caqliga U saaxiibka Ah (Video) Daawo Dhacdo Yaab Leh Oo ka Dhacday Sacuudiga Waxna Lagu Tusay Kuwa Caqliga…
  • Dagaal Sokeeye Oo Ka Dhex Qarxay Beesha Siilaanyo Iyo Beesha Buuhoodle Dhaawac Iyo Dhimasho Kala Gaadhay (Video) Dagaal Sokeeye Oo Ka Dhex Qarxay Beesha Siilaanyo Iyo Beesha Buuhoodle Dhaawac Iyo…
  • ******* بسم الله الرحمن الرحيم  ******** Hay'adda Culimada Soomaliyeed Oo Bayaan Ka Soo Saaray Dagaalada Ka Dhacay Yaman,                          …