Qaraarka Maxkamada ayaa imaanaya xilli la sheegay in muran badan uu ka yimaaday qolyaha muxaafidiin Mareekanka oo dalbaday in la shaaciyo sawiradii laqaaday inta uu socday howlgaki lagu dilay Usaama Bin Laadin , waxaana la sheegay in Mareekanka ay hayaan 50 sawir oo la qaaday inta usocday howlgalki lagu dilay hogaamiyihi iyo aasaasihii ururka Al-Qaacida Usaama Bin Laadin.
Dacwad qaadayaasha oo ka kooban 3 qareen oo lagu kala magacaabo Harry Edwards, Marek Garland, Judith Rodgers ayaa sheegay in dowlada Mareekan qaanuunka ay ka talaabsan Karin lana ilaalinayo insaaniyada , waxaana Maxkamada ay sheegtay in ay ku jiraan sawirada la qaaday askari Mareekan ah oo aasaya meydka Usaama Bin Laadin taana laga yaabo in ay dhaliso kacdoon ka dhan ah Mareekanka .
Hadaba dacwa oo gayaasha ayaa qaraarka diidmada usababeeyay in sawirada ay ka dhalan karaan kacdoona looga soo horjeeda masaalixda Mareekanka iyo shacabka Mareekanka ee u kala goosha dunida dacaladeeda.
Ugu danbeeynti CIA-da mareekanka ayaa sheegtay in faafinta sawiradi la qadaay inta uu socday howgalki Mareekanka ay ku dileen hogaamiyihi hore Al-Qaacida Usaama Bin Laadin ay ka dhalaneyso dhibaata badan loona baahan yahay in laga fogaado.


Maxkamada racfaanka Fedaraalka Mareekanka ayaa xukuntay in aan la shaacin sawiradii laga qaaday hogaamiyihii hore Al-Qaacida Usaama Bin Laadin oo lagu dilay howgal ay ka sameeyeen ciidamada Mareekanka gudaha wadanka Pakistan sanadii 2011.






































