Thursday, 22 January 2015 10:19

Heshiis Laga Gaadhay Dagaalka Sanca, Iyo Madaxwynaha Oo Wali Talada Dalka Gacanta Ku Haya

War qoraal ah oo kasoo baxay madaxtooyada dalka Yemen, ayaa lagu sheegay in la gaaray heshiis lagu soo afjarayo dagaalka magaalada Sanca.

Heshiiska ayaa waxbadan u ogolaanaya jabhadda Xuutiyiinta ee qabsatay madaxtooyada Sanca, isla markaana go'doomiyay guriga madaxweynaha dalkaasi.

Shalay oo dhan, shacabka Yemen ayaa sugayay in ay maqlaan war ku saabsan madaxweynahooda, oo wararka qaar ay sheegayaan in maxbuus ku yahay gurgiisa.

Xuutiyiinta ayaa ku adkeystay dalabkooda, Mareykankuna waxa ay ku adkeysteen taageerada uu u hayo madaxweyne Haadi, halka dalalka gacanka Carbeedna ay ku eedeeyeen Xuutiyiinta in ay sameeyeen afgembi.

Qoraal kasoo baxay madaxweynaha ayaa muujinaya in uu waxbadan u ogolaaday Xuutiyiinta.

Waxa ay heli donaan matelaad weyn oo ay ku yeelanayaan dhammaan siyaasadda dalkaasi, waxaana sidoo kale isbedel lagu sameyn doonaa dastuurka ay diidan yihiin.

Taa bedelkeeda, Xuutiyiinta ayaa sii deyn doona kaaliye sare oo uu leeyahay madaxweyne Abdurabbuh Mansuur Haadi.

Madaxweyne Haadi ayaa magac ahaan u muuqda kan tallada haya, balse waxaa maamulka haya Xuutiyiinta.

Wixii Talo Iyo Tusaale Ah Noogu Soo Dir heemaalnews@gmail.com

Submit to DeliciousSubmit to DiggSubmit to FacebookSubmit to Google PlusSubmit to StumbleuponSubmit to TechnoratiSubmit to TwitterSubmit to LinkedIn

Xulka Heemaal Ee Dhacdooyinka Caalamka

About Us

Dad weynahaan hanuuninaa, hasaawinaa,
danta u hagnaa, ma hakranee waan u
hawl galnaa.
 
Habeen iyo dharaar hadaladaan dhisnaa,
afkeena hooyo oo horumaraan kuhaminaa,
hogaaminaa, had iyo jeerhabnaa, oo waan
hagaajinaa, ma hakranee waan u hawl galnaa,
murtidaan hurinaa, kala hufnaa,haqabtirnaa
u heelanahay,dadweyanahaan hanuuninaa,
hasaawinaa danta u hagnaa.
 
Buraanbur iyo hees, hello iyo ciyaar,
gabayo haybadliyo hadhaale baanu
hindisnaa, hurdadaan guyaal ka hajirnaa,
naftayadaan hurnaa, ma hakranee waan
u hawl galnaa, dadweynahaan hanuuninaa
hasaawinaa danta u hagnaa.

 

 

Contact Us

Waxaad nagala soo xidhiidhi kartaa e-mailka hoos ku qoran, 

  • Address : Waxaan ka hawl galnaa dhamaan gayiga Soomaliyeed, hadii aad u baahato in aad nala soo xidhiidho kaliya Emailka hoos yaal ku soo qor fariintaada iyo sida ugu fudud ee aan kuula soo xidhidhi karno, annaga ayaa si dhakhso ah kuula soo xidhiidhayna

  • Email : This email address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it.

  • Phone1 :  
    Phone2 : Telefonadu way badan yihiin halkan kuma soo koobi karno, ee hadii aad u baahan tahay in aan kula soo hadalno noo soo qor telkaaga, iyo magacaaga annaga ayaa kula soo hadli sida ugu dhakhso badan ee ugu macquulsan, dabcan ha ilaawin in aad noo qorto wakhtiga dalka aad ku nooshahay.

 

 

 

Maxaa Cusub

  • Dhagayso Waraysi Uu Siiyey VOA Madaxweyne Ku Xigeenka Soomaliland Saylici Oo Ka Waramay Tabashada Reer Awdla Iyo Maamulka Khaatumo State Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Saylici oo safar ku yimid magaaladan Washington ayaa VOA…
  • Odayaasha Iyo Waxgaradka Dagaanka Qorilugud Oo Dagmada Buuhoodle Ku Sheegay Hoyga Argagixisada (Video) Odayaasha Iyo Waxgaradka Dagaanka Qorilugud Oo Dagmada Buuhoodle Ku Sheegay Hoyga Argagixisada (Video)
  • Dawdweyanaha Reer Boorama Oo Siyaabo Kala Duwan Uga Hadlay Khudbadii Madaxweynaha Somaliland Labbada Gole Ka Jeediyey (Video) Dawdweyanaha Reer Boorama Oo Siyaabo Kala Duwan Uga Hadlay Khudbadii Madaxweynaha Somaliland Labbada…