RAWAH 2013 POSTER modification12

Wararka Af Soomaliga Ah

Gaas Iyo Xubno Ka Tirsan Golihiisa Wasiiradiisa Oo Booqasho Ku Tagay Degmada Qardho

Mar 20, 2014
Gaas Iyo Xubno Ka Tirsan Golihiisa Wasiiradiisa Oo Booqasho Ku Tagay Degmada Qardho

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas) oo saaka hiirti waaberi ka ambabaxay magaalada Garoowe ayaa si diiran loogu soo dhoweeyay magaalada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar.

Wefdiga Madaxweynaha ayaa looga hortegay duleedka magaalada, waxaana soo dhoweeyay shacabka iyo maamulka iyadoo loo galbiyey magaalada. Wefdiga Madaxweynaha waxaa kamid ah Wasiirada arrimaha gudaha, amniga, Caafimaadka, Garoomada & Duulista hawada, Amniga iyo masuuliyiin kale. Madaxweynaha ayaa ka degay gaaarigii uu saarnaa waxaana uu socod ku dhexmrey magaalada isaga oo socodkiisi ku tegey Saldhiga Booliska kadibna uga gudbey Xarunta Dowladda Hoose halkaas oo dadweynaha kula hadley.

Madaxweyne Cabdiweli Gaas oo khudbad ujeedinayay dadweynaha ayaa uga mahadceliyey soo dhoweynta wanaagsan ay u sameyeen, wuxuuna sheegay muddada uu magaalada jooga uu kulamo kala duwan la qaadan doona.

Wuxuu intaas ku daray in Dowladiisa ka go’an tahay in ay qabato dhamaan waxyaabihii ay ballan qaaday, isagoo ugu yeeray mudaneyaasha Baarlamaanka in ay ka war hayaan deegaanada ay kasoo jeedaan oo aysan Garowe keliya iska fadhiyin haddii aysan shaqo jirin markaas.


 

Wixii Talo Iyo Tusaale Ah Noogu Soo Dir heemaalnews@gmail.com

Submit to DeliciousSubmit to DiggSubmit to FacebookSubmit to Google PlusSubmit to StumbleuponSubmit to TechnoratiSubmit to TwitterSubmit to LinkedIn
WakhtigaSalaada Sxa

Somali Films

Film Cusub Oo La Magac
Mirqaanka Iyo
Ilaahay Umadiisa Part V
Ilaahay Umadiisa U Nabad Gali Sooraan Iyo Jawaan Part V
Ilahay Umadiisa Par IV
Axda Geedka Dhacaya