Wednesday, 21 January 2015 22:54

Gudoomiyihii Iyo Duqii Dagmada Buula Burde Oo Xabsiga Loo Taxaabay Kadib Markii Tuugnimo Lagu Eedeeyey

War Caawa soo baxay ayaa waxa uu sheegayaa in Xabsiga loo taxaabay Gudoomiyaha Maamulka Degmada Buula Burde Cabdicasiis Duuroow iyo Duqa Degmadaasi Cusmaan Geedi iyo dhowr qof oo Ganacsatada degmada Buula Burde.

Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka Soomaaliyeed Dr Axmed Cali Daahir oo saxaafada kula hadlay Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Mas’uuliyiintaasi loo xiray markii lagu helay fal ah inay musuq maasuqeen Deeq Mucaawimo ah oo loogu talo galay Shacab ku tabaaleysan Buula burde.

Maamulka Degmada Buula burde waxa si kumeel gaar ah u sii maamuli doona Guddoomiye ku xigeenka Degmadaasi ee dhinaca maaliyadda sida uu sheegay Ku xigeenka 1aad Xeer ilaaliyaha Qaranka Soomaaliyeed Axmed Cali Abuukar oo la hadlay Warbaahinta Dawlada Soomaaliya.

Xeer ilaaliyaha Qaranka Dr Axmed Cali Daahir ayaa sheegay inay wax laga xumaado tahay raashin mucaawimo ah oo si dhib badan lagu geeyey Buula burde hadana la musuq maasuqay,dadkii lunsashada sameeyana ay Xabsiga utaxaabeen oo mas’uuliyiin katirsan Maamulkaasi qeyb ka yihiin.

Wixii Talo Iyo Tusaale Ah Noogu Soo Dir heemaalnews@gmail.com

Submit to DeliciousSubmit to DiggSubmit to FacebookSubmit to Google PlusSubmit to StumbleuponSubmit to TechnoratiSubmit to TwitterSubmit to LinkedIn

Xulka Heemaal Ee Dhacdooyinka Caalamka

About Us

Dad weynahaan hanuuninaa, hasaawinaa,
danta u hagnaa, ma hakranee waan u
hawl galnaa.
 
Habeen iyo dharaar hadaladaan dhisnaa,
afkeena hooyo oo horumaraan kuhaminaa,
hogaaminaa, had iyo jeerhabnaa, oo waan
hagaajinaa, ma hakranee waan u hawl galnaa,
murtidaan hurinaa, kala hufnaa,haqabtirnaa
u heelanahay,dadweyanahaan hanuuninaa,
hasaawinaa danta u hagnaa.
 
Buraanbur iyo hees, hello iyo ciyaar,
gabayo haybadliyo hadhaale baanu
hindisnaa, hurdadaan guyaal ka hajirnaa,
naftayadaan hurnaa, ma hakranee waan
u hawl galnaa, dadweynahaan hanuuninaa
hasaawinaa danta u hagnaa.

 

 

Contact Us

Waxaad nagala soo xidhiidhi kartaa e-mailka hoos ku qoran, 

  • Address : Waxaan ka hawl galnaa dhamaan gayiga Soomaliyeed, hadii aad u baahato in aad nala soo xidhiidho kaliya Emailka hoos yaal ku soo qor fariintaada iyo sida ugu fudud ee aan kuula soo xidhidhi karno, annaga ayaa si dhakhso ah kuula soo xidhiidhayna

  • Email : This email address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it.

  • Phone1 :  
    Phone2 : Telefonadu way badan yihiin halkan kuma soo koobi karno, ee hadii aad u baahan tahay in aan kula soo hadalno noo soo qor telkaaga, iyo magacaaga annaga ayaa kula soo hadli sida ugu dhakhso badan ee ugu macquulsan, dabcan ha ilaawin in aad noo qorto wakhtiga dalka aad ku nooshahay.

 

 

 

Maxaa Cusub

  • Daawo Sawiradda Hay'adda Duulimaadyadda Caalamiga Ee ICAO Oo sarajooga Kula Hadashay Waftigii Somaliland Ee Turkiga Tagay (Sawirro) Daawo Sawiradda Hay'adda Duulimaadyadda Caalamiga Ee ICAO Oo sarajooga Kula Hadashay Waftigii Somaliland…
  • Dhagayso wasiirka warfaafinta Dawlada fadaraalka oo sharaxaya Dhibaatada Shacabka Somaliland ka Soo Gaadhaysa Wadahadalada Burburay Dhagayso wasiirka warfaafinta Dawlada fadaraalka oo sharaxaya Dhibaatada Shacabka Somaliland ka Soo Gaadhaysa…
  • Dhagayso Waraysi Uu Bixiyey Wasiir Xirsi-ga Somaliland Iyo Warsaxaafadeed Ka Soo Baxay Dawlada Fadaraalka Oo Ku Aadan Wadahadalii Burburay (Video) Dhagayso Waraysi Uu Bixiyey Wasiir Xirsiga Somaliland Iyo Warsaxaafadeed Ka Soo Baxay Dawlada…