Cabdoo Aayar iyo salaadiinta dhaqanka ee gobolka Awdal waxa uu ahaa kii ugu horeeyay ee noociisa ah ee ay wada jirka u qabtaan, isla markaana ay kaga hadlayaan qabanqaabada 18 May, iyaga oo fariimo gaar ah oo dhinaca nabadgalayada ah u diray dhaliyarada iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.
Badhasaabka Awdal Cabdoo Axmed Aayar oo shirkaasi furay ayaa yidhi “ Waxa aan maanta u kulanay anaga ka xukuumad ahaan, iyo oadayaashii dhaqanka ee gobolka oo badidoodii halkan jooga, dhawrna ay ka maqan yihiin in aan fariin bulshada gaarsiino taasi oo ku aadan qaban qaabadada iyo ka qaybqaadashada xuska maalinta qaranimada Somaliland ee 18 May, iyada oo ay muhiim tahay anaga oo gacmaha is haysana inaan ka wada qayb qaadano arintan, waxana aan rajaynayaa goboladu way tartamayaane in gobolkeeno koobka qaado, dhalinta iyo dadka kale ee gobolkuna ay dhagaha u furan fariinta ay u gudbinayaan odayaashii dhaqanka ee masuulka ka ahaa”
Sul. Ibraahim Dacar Yuusuf oo isaguna ka hadalay halkaasi ayaa yidhi “ Nabadgalyadu waa lafdhabarteena ee aan ilaashano, lanadgalyadu waa mida suura galisay in Somaliland uu doolarku meel walba yaalo, waxa aan dadka u sheegayaa in loo baahan yahay in nabadgalyada la ilaaliyo isla markaana gobolkeena loogu soo boxo maalinta qaranimada 22 sano guurada Somaliland si wayn oo abaabulan oo xushmad leh oo ka balaadhan sidii sanadihii hore”
Sul. Ibraahim Jaamac Samatar oo isaguna ka hadlay halkaasi ayaa yidhi “ Dhamaan shacabka gobolada Awdal iyo Salal waxa aan u sheegaynaa inay ka qayb qaataan xuska munaasabada 18 May ee sanadkan, waxa aan sheegaynaa in loo baahan yahay in laga digtoonaado cadawga gudaha ee fadqaladada raba inay ku kiciyaan xuska maalintaasi, waxa aan rabnaa in maalintaasi la muujiyo dareenka dhabta ah ee qaranimada, waxa aan leenahay iska jira dadka raba inay waxyeeleeyaan nabadgalyadeena ee ay suura galka tahay inay ku soo dhex dhuuntaan maalintaasi, balanteenuna waa isku soo bax balaadhan oo maalinta Sabtida ah qabsooma”.
Sul. Cabdiraxmaan Jaamac Dhawal oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa xusay inaanay jirin wax muuqda oo la taaban karo oo ay uga digaan dadka ay masuulka ka yihiin, waxana uu yidhi “18 May xuskeedu mudoba waa soo socday oo waxa soo qaban jiray dadka xilka haya, wax nagu cusubna ma aha, waxa uu yahay baaqa aan diraynaa in dadka la gaarsiiyo iyada oo laga kalsoonyahay oo aanay jirin wax muuqda oo aan ku ognahay, waana waano kalmadu maanta, waxana aan idinku waaninaynaa in nabadgalyada la ilaaliyo oo laga fogaado wax fadqalalada abuuri kara, oo nin walba oo ka galo hawsha meesha uu ku leeyahay, mandaqadu maanta waa mid gilgilanaysa, meela ururada noocan o kale ahi way dhib badan yihiin, waxa la rabaa in nabadgalayada laga wada qayb qaato oo qof kasta uu war u hayo cida ku hareeraysan oo indhahana la furo”.
Sul. Dhawal waxa uu ka digay inay dhinaca masuuliyiinta amniga gaar ahaan ciidamada nabadgalayu ku kacaan fal la mid ah kii ka dhacay Burco, waxna uu yidhi ciidamada waxa aan ka dalbanaynaa inay wax badan dajiyaan, oo aanay dhicin tii burco ka dhacday oo kale, waxana farta lagu fiiqayaa booliska gaar ahaan qolada birmadka, waxaanan leenahay dadku waa dadkiinii, ha laga ilaaliyo dadka kacdoonka iyo wax agu keenaya dhibta”.
Sul. Salaabeen Cali Ismaaciil oo isaguna ka hadlay halkaasi ayaa yidhi “Arinta nabadgalyadu waa laba arimood, mida guud waxa laga ilaalinayaa waxwalba oosoo beegsan kara, waxa tan muhiimka ahi ay tahay mida gudaha, oo gaar ahaan aan u dirayo fariin dhalinta oo sanadahan dambe caadaystay inay ku dhaqmaan wax aanan waxba uga kordhayn, waxa aan leenahay arintaasi ha laga waantoobo, waxa aan sidoo kale leeyahay odayaash adhaqanka ninwalba xaafadihiisa iyo jaarkiisa ha gaarsiiyo fariinta oo dhamaan aan ka wada qayb qaadano xuska 18May oo si balaadhan aan isugu soo baxno”.
Shirkan ayaa waxa kale oo ka hadalaysalaadiin kale oo ay ka mid yihiin Sul. Maxamed Cabdi, Sul. Xasan Xadi Baade iyo Sul. Sh. Ibraahim Cabdi Riiraash, waxana ay dhamaantood sii adkeeyeen fariimaha ku aadan adkaynta nabadgalyada iyo ka qayb qaadashada xuska 18 May.
Waxana xusid mudan in shirkan Jaraaid ay ka maqnaayeen salaadiin dhawr ah oo hadii ay madasha joogi lahaayeen ay fariintoodu ahayd mid gaadhi karta dhalinyaro iyo dadwayne aad u tira badan, balse la sheegay inay madashan qaarkood uga maqnaayeen cudur daar halka kuwa kale aanan la xusin sababta ay uga baaqsadeen shirkan Jaraaid.










































