Wararka Af Soomaliga Ah

Maxamed Saleebaan Tubeec Oo Loo Samayn Doono Aas Qaran Muqdishana Lagu Aasi Doono

Mar 13, 2014
Maxamed Saleebaan Tubeec Oo Loo Samayn Doono Aas Qaran Muqdishana Lagu Aasi Doono

Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa qorsheynaysa in aas qaran magaalada Muqdisho loogu sameeyo Allaha u raxmadee fannaankii caanka ahaa, Maxamed Suleymaan Tubeec, oo Talaadadii ku geeriyooday dalka Jarmalka.

Wasiirka Warfaafinta xukuumadda Soomaaliya Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow iyo ku-xigeenkiisa oo la kulmay xubno ka tirsan fannaaniinta hoballada Waaberi ayaa kala hadlay qaban-qaabada aaska Marxuumka, wuxuuna u sheegay in la maamuusayo.

Mustaf Dhuxulow ayaa sheegay in wasaaradda Warfaafiinta ay tacsi u dirasoy dhammaan ummadda Soomaaliyeed iyo ehellada marxuumka.

Qaar ka mid ah abwaannada Hoballada Waaberi oo u warramay heemaal ayaa sheegay in fannaaniin badan oo qurbaha ku nool ay ka qeyb-gali doonaan aaska Maxamed Saleebaan Tubeec.

 

Wixii Talo Iyo Tusaale Ah Noogu Soo Dir heemaalnews@gmail.com

Submit to DeliciousSubmit to DiggSubmit to FacebookSubmit to Google PlusSubmit to StumbleuponSubmit to TechnoratiSubmit to TwitterSubmit to LinkedIn
WakhtigaSalaada Sxa

Somali Films

Mirqaanka Iyo
Ilaahay Umadiisa Part V
Ilaahay Umadiisa U Nabad Gali Sooraan Iyo Jawaan Part V
Ilahay Umadiisa Par IV
Axda Geedka Dhacaya