Caalamka (8)
Sarkal Lagu Dilay Dagamada Wajeer
Waxaa xalay gudaha magaalad Wajeer ee waqooyi bari ee dalka kenya lagu toogtey sarkaal la sheegay inuu ka tirsanaa ciidamada dowladda Kenya gaar ahaan kuwa mileteriga,waxaana la sheegey inay kooxo hubeysan ku toogteen gudaha magaalada Wajeer.
Russia Oo Gantaalo Casri Ah Siisay Syria
Sarkaal sare oo ka tirsan Milatariga Mareykanka ayaa ku tilmaamay shixnad gantaala ah oo Rusia ay u dirtay Syria mid ku soo beegmay waqti xun nasiib darana ah.
UK Iyo Us Oo Cadaadis Saaraaya Suuriya
HNN. Madaxweynaha dalka Mareykanka, Barack Obama, ayaa sheegay in Mareykanka iyo Britain ay ku heshiiyeen in la kordhiyo cadaadiska saaran maamulka Suuriya si loo aqbalo mustaqbal aanu ku jirin Madaxweyne Bashar al-Asad.
Obama Iyo Erdogan Oo Ka Wadahadlaya Syria
Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama ayaa maanta oo Khamiis ah Aqalka Cad ku soo dhaweynayaa ra’iisul-wasaaraha wadanka Turkey Recep Tayyip Erdogan, si ay uga wadaxaajoodaan xaaladda Syria iyo ammaanka gobalka.John Kerry Oo U Digay Bashar Al-Asad
Xoghayaha Arrimaha Dibedda Mareykanka John Kerry, ayaa uga digay Madaxweynaha Suuriya Bashar al-Asad in ay noqon doonto xisaab qaldan haddii dowladdiisa aanay kasoo qeybgalin wada xaajoodka lagu dhameynayo khilaafka dalka Suuriya.Ruushka Oo Qabtay Basaas U Shaqeenayey Sirdoonka Maraykanka
Ninkan ayaa sidoo kale lagu qabtay qoraalo talooyin lagu siinayo sarkaalka uu rabay inuu laaluusho oo ay sirdoonka Maraykanka u balan qaadeen in sanad walba 1 milyan oo dollar siin doonaan.Kenya Oo U Diraysa Ciidamo u Gurmanaya Dirirta Raamo (Dhagayso)
HNN. Degaanka Mandera ee gobolka Waqooyiga Bari ee Kenya waxaa ku sii qulqulaya ciidamada milateriga iyo booliska si ay hubka uga dhigaan maliishiyad maxalli ah iyo kuwo ajaanib ah oo ka qeyb qaatey dagaal halkaasi ka dhacay.
http://www.heemaalnews.com/components/com_jce/editor/tiny_mce/plugins/article/img/readmore.png);">
Dagaalkaasi ayaa dhimashada uu sababey ka sokow , waxaa uu dhaliyey barakac kumanaan qof ah iyo iyadoo ay joogsadeen qaar ka mid ah adeegyada muhiimka ee bulshada sida dugsiyada iyo goobaha kaleba.
Warbixin arrintaas ku saabsan hoosta ka dhageyso.
Obama Ka Daji Kabahaaga Miiska Boqorad Victoria
Wargeyska Maalin laha ah ee Daily Mail oo ka soo baxda dalka Britain ayaa si kulul u dhaleecaysay hab dhaqanka, madaxweynaha Maraykanka Barack Obama gaar ahaan qaabka uu u fadhiisto, waxaanu wargeysku soo daabacay tobanaan sawir oo madaxweynaha laga qaaday wakhtiyo kala duwan, kuwaas oo muujinaya isaga oo qaska u fadhiya, labadiisa lugoodna inta uu dhidhiibsaday miis dul dhigtay.http://www.heemaalnews.com/components/com_jce/editor/tiny_mce/plugins/article/img/readmore.png);">



























