Sunday, 14 June 2015 15:13

Maxkamad Ku Taala Dalka Koonfurta Afrika Oo Amar Ku Bixisay In Cumar Al Bashiir Aanuu Ka Bixi Karin Wadanka Koonfurta Afrika

Maxkamad ku taasha dalka Koofur Afrika ayaa soo saartay amar ku meel gaar ah oo madaxweyna Al-bashiir ka hor istaagaya inuu dalkaasi ka baxo.

Maxkamadda ayaa sheegtay in madaxweynaha ay waajib ku tahay inuu dalkaasi joogo illaa dalabka ICC ee in lagu wareejiyo.

Maxkamadda Koofur Afrika ayaa dooneyso inay go’aan ka gaarto haddii ay xirayaan oo ICC ay ku wareejinayaan iyo inkale.

Mr al-Bashir oo hadda ku sugan magaalada Johannesburg oo uu uga qeybgalaayo shirka midowga AFrika, ayaa waxaa dacwad ku oogtay maxkamadda dembiyada caalamka ee ICC oo ku eedeyneysa inuu dembiyo dagaal geystay.

Midowga Afrika ayaa horey u diiday inuu arrintaasi ICC kala shaqeeyo.

Laakiin, xubin ahaanta Koofur Afrika ee ICC, waxaa waajib ku ah in Al-Bashiir ay xirto.

Buuxi Shaxda midigta Ama E-mailka Hoos Ku Qoran Nagala Soo Xidhiidh

This email address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it.

 

  Mail is not sent.   Your email has been sent.