Monday, 19 January 2015 20:55

Qaar Ka Mid Ah Wadooyinka Magaalada Muqdsho Oo Caawa La Xidhay Iyo Ciidan Badan Oo Lagu Daadiyey Hareerahooga

Waxaa xiran qaar ka mid ah wadooyinka magaalada Muqdisho gaar ahaan waddooyinka soo gala madaxtooyada Soomaaliya iyadoo wararka ay sheegayaan in loo xirey soo dhoweynta wafdi uu hogaaminayo madaxweynaha dalka Turkiga Erdogan oo lagu wado in dhowaan uu soo gaaro magaalada Muqdisho.

Wadooyinka xiran ayaa waxaa ka mid ah wadada ka soo baxda garoonka dayuuradaha ee Aden Cadde, wadada Maka Al Mukaramma oo ka xiran daarta Zobbe illaa iyo madaxtooyada iyo sidoo kale wadada Tarabuunka.

Gaadiidka ayaa bilaabay inay isticmaalaan wadooyin kale iyadoo la arkayo gaadiid safaf dhaadheer ugu jira sidii ay u dhex mari lahaayeen xaafadaha ay dadku degen yihiin.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa maanta soo gaaray wafdi hordhac u ah booqashada madaxweynaha Turkiga iyadoo wafdigaasna ay badankood yihiin diblumaasiyiin, saraakiil dhinaca ammaanka ah iyo qeybta Protocolka.

Hase yeeshee illaa iyo haatan ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dowlada Federalka Soomaaliya ee la xiriirta booqashada Madaxweyne Erdogan iyo wafdiga maanta soo gaaray magaalada Muqdisho.

Waddooyinka maanta la xiray ayaa muddo saddex maalmood ah hore loogu xirey shirka 53aad ee urur goboleedka IGAD iyadoo mudadaasna dhibaato badan ay ku noqotay isu socodka gaadiidka iyo dadkaba.

Booqashada madaxweye Edogan ayaa noqonaysa tii labaad ee uu ku yimaado dalka Soomaaliya waxayna noqonaysaa madaxweynihii ugu horeeyay ee soo booqda dalka Somaliya ee ka socda wadamada horay u maray.

Wixii Talo Iyo Tusaale Ah Noogu Soo Dir heemaalnews@gmail.com

Submit to DeliciousSubmit to DiggSubmit to FacebookSubmit to Google PlusSubmit to StumbleuponSubmit to TechnoratiSubmit to TwitterSubmit to LinkedIn

About Us

Dad weynahaan hanuuninaa, hasaawinaa,
danta u hagnaa, ma hakranee waan u
hawl galnaa.
 
Habeen iyo dharaar hadaladaan dhisnaa,
afkeena hooyo oo horumaraan kuhaminaa,
hogaaminaa, had iyo jeerhabnaa, oo waan
hagaajinaa, ma hakranee waan u hawl galnaa,
murtidaan hurinaa, kala hufnaa,haqabtirnaa
u heelanahay,dadweyanahaan hanuuninaa,
hasaawinaa danta u hagnaa.
 
Buraanbur iyo hees, hello iyo ciyaar,
gabayo haybadliyo hadhaale baanu
hindisnaa, hurdadaan guyaal ka hajirnaa,
naftayadaan hurnaa, ma hakranee waan
u hawl galnaa, dadweynahaan hanuuninaa
hasaawinaa danta u hagnaa.

 

 

Contact Us

Waxaad nagala soo xidhiidhi kartaa e-mailka hoos ku qoran, 

  • Address : Waxaan ka hawl galnaa dhamaan gayiga Soomaliyeed, hadii aad u baahato in aad nala soo xidhiidho kaliya Emailka hoos yaal ku soo qor fariintaada iyo sida ugu fudud ee aan kuula soo xidhidhi karno, annaga ayaa si dhakhso ah kuula soo xidhiidhayna

  • Email : This email address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it.

  • Phone1 :  
    Phone2 : Telefonadu way badan yihiin halkan kuma soo koobi karno, ee hadii aad u baahan tahay in aan kula soo hadalno noo soo qor telkaaga, iyo magacaaga annaga ayaa kula soo hadli sida ugu dhakhso badan ee ugu macquulsan, dabcan ha ilaawin in aad noo qorto wakhtiga dalka aad ku nooshahay.

 

 

 

Maxaa Cusub

  • Suuqa Westgate Ee Magaalada Nairobi Oo Dib Loo Furayo Iyada Oo La Cayimay Wakhtiga Ugu Horeeya Ee La Booqan Doono Suuqa Westgate ee Nairobi ayaa dib loo furayaa kadib weerarkii ay Al Shabaab…
  • Wadahadaladii Nukliyeerka Iiraan Oo La Isku Mari Waayey Saddex Qodob Iyadda Oo Wakhtiga Hadhayna Kooban Yahay Sadex caqabadood oo waaweyn ayaa weli hortaagan in wax heshiis dhameystiran laga gaaro…
  • Madaxweynaha Dawlada Maraykanka Barack Obama Oo Booqanaya Wadanka Kenya Oo uu Asal Ahaan Ka Soo Jeedo Madaxweyanaha Maraykanka Barack Obama ayaa qorsheynaya inuu booqdo waddanka uu asal ahaan abbihiis…