Wasiirka Warshadaha Somaliland Mud. Cabdirisaaq Cali Cismaan iyo Wasiirka Wasaarada Shaqada iyo Arimha Bulshada Mud. Maxamuud Bare Garaad, kuwaasi oo waqtiga ay soo galeen magaalada aanan laga warhayn is gaabis ahna u yimid.
Wasiiradan oo lagu waday anay dariftooda qabsadaan hawlaha qabanqaabada ah ee ka socda gudaha Boorama ee loogu diyaar garoobayo xuska 18ka May ayaanan maanta lagu arag goobahaasi, ayaanan meelna lagu arag kana maqnaa shirarkii jaraa’id ee u dambeeyay ee ay odayaasha dhaqanka iyo maamulka degmadu kaga hadlayeen arinta nabadgalyada, waxana la is waydiinayaa waxa sababay inay faraha ka laabtaan hawsha socota, iyada oo la arki jiray wasiiradan oo qaban qaabo iyo abaabul balaadhan wada marka lagu guda jiro munaasabadaha noocan oo kale ah.
“Ma qabo inay jirto hawl uga banaan, sabatu waxa ay tahay dhalinyaro ayaa taladii la wareegtay waanay dhamaatay waqtiguu waxwalba xaga sare laga abaabulayay ayuu yidhi muwaadin cabiray dareenkiisa ku aadan wasiiradan.
Sidoo kale ayaa mudane kale oo isaguna ka haday sida ay latahay wasiiradan miisaanka ku leh bulshada ee hadana ka maagay inay yimaadaan fagaarayaasha ay ka socoto qaban qaabadu waxa uu yidhi “Waxaan u malaynayaa inaanay markan lacag wadin, wax walbana waxa loo wakiishay maamulka gobolka iyo degmada, markaa hadii aanay waxba faraha ku hayn waxa ay ka maageen inay cilaaq dalbadaan”.
Dhinaca kale waxa jira ilo wareedyo kale oo sheegaya in Wasiiradan uu maamulka gobolka Awdal ka dalbaday inay faraha kala baxaan wax walba oo qaban qaabo ah oo socota, isla markaana ay noqdaan kuwo ka soo qayb gala munaasanada si ay bulshada ugu gudbiyaan fariimahooga.
Si kastaba ha ahaatee, wasiiraaradaha ay ka masuulka yihiin wasiiradan ayaa mar horaba ay dad badani aaminsanaayeen inay yihiin kuwo aanan nafci lahayn, xafiisyadooduna aanay shaqayn, mana aha wax lala yaabo inay Boorama yimaadaan iyaga oo la mid ah shaqsiyaadka sida caadiga ah isaga soo gala magaalada


HNN. Waxa magaalda Boorama habeenimadii xalay soo gaadhay 


























