Monday, 19 January 2015 15:05

Raisal Wasaare Cabdirashiid Sharmaake Oo La Kulmay Danjiraha Imaaradka Carabta U Fadhiya Soomaliya Al Cutamani

Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Federalka Soomaaliya, Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay danjiraha dowladda Imaaraadka Carabta u fadhiya Soomaaliya Mohamed Al-Cutmani, iyagoo ka wada hadlay horumarinta xiriirka iskaashi iyo wax wada qabsi ee dalalka Soomaaliya iyo Isutaga Imaaraadka Carabta.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo Safiirka dowladda Isutaga Imaaraadka, ayaa kulankooda uga hadlay arimo muhiim ah oo ka qayb qaadanaya xasiloonida dalka Soomaaliya, waxaana kamid ah dib-u-dhiska hay’adaha dawladda iyo gacan siinta adeegyada bulshada, la dagaalanka Burcad-badeedka. Waxyaabaha sida gaarka ah diiradda loo saaray ayaa ah arimaha amniga,dhaqaalaha iyo adeegyada bulshada.

“Xiriirka Soomaaliya iyo Isutaga Imaaraadka Carabta ma ahan mid bilow ah, waa mid soo jiray qarniyaal. Waxaa labada dal ka dhexeeya walaaltinimo, dalkani waxaa uu isgarab taagay Soomaaliya xiligan iyo muddadii ay dhibaatooyinka xoogani ka jireen dalka Soomaaliya. Waxaana ay naga taageeri doonaan xasiloonida iyo dib-u-dhiska dalka Soomaaliya.” Ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Cumar C/rashiid.

Dhinaca kale, Safiirka dowladda Isutaga Imaaraadka Carabta, danjire Mohamed Al-Cutmani ayaa balan qaaday in ay diyaar u yihiin taageerada Soomaaliya oo xiligan kasoo kabanaysa dhibaatooyinkii soo gaaray tan iyo markii ay meesha ka baxday dawladii dhexe ee Soomaaliya sanadkii 1991-kii.

“Waxaan diyaar u nahay isgarab taaga Soomaaliya, waan sii xoojin doonnaa taageerada kala duwan ee aan ugu tala galnay dalka Soomaaliya. Waxaa muuqata in Soomaaliya ay xilligan cagta saartay wadadii dib-u-dhiska.” Ayuu yiri danjiraha dowladda Imaaraadka Carabta ee Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha Dowladda F. Soomaaliya Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke ayaa maalmihii u dambeeyay kulamo isbada joog ah la qaadanayay qaar kamid ah danjirayaasha caalamka u fadhiya Soomaaliya, sida Mareykanka, Ingiriiska, Shiinaha, Sweden, Wakiillka QM ee Soomaaliya, Wakiilka Midowga Yurub, Wakiilka Midowga Africa.

Wixii Talo Iyo Tusaale Ah Noogu Soo Dir heemaalnews@gmail.com

Submit to DeliciousSubmit to DiggSubmit to FacebookSubmit to Google PlusSubmit to StumbleuponSubmit to TechnoratiSubmit to TwitterSubmit to LinkedIn

About Us

Dad weynahaan hanuuninaa, hasaawinaa,
danta u hagnaa, ma hakranee waan u
hawl galnaa.
 
Habeen iyo dharaar hadaladaan dhisnaa,
afkeena hooyo oo horumaraan kuhaminaa,
hogaaminaa, had iyo jeerhabnaa, oo waan
hagaajinaa, ma hakranee waan u hawl galnaa,
murtidaan hurinaa, kala hufnaa,haqabtirnaa
u heelanahay,dadweyanahaan hanuuninaa,
hasaawinaa danta u hagnaa.
 
Buraanbur iyo hees, hello iyo ciyaar,
gabayo haybadliyo hadhaale baanu
hindisnaa, hurdadaan guyaal ka hajirnaa,
naftayadaan hurnaa, ma hakranee waan
u hawl galnaa, dadweynahaan hanuuninaa
hasaawinaa danta u hagnaa.

 

 

Contact Us

Waxaad nagala soo xidhiidhi kartaa e-mailka hoos ku qoran, 

  • Address : Waxaan ka hawl galnaa dhamaan gayiga Soomaliyeed, hadii aad u baahato in aad nala soo xidhiidho kaliya Emailka hoos yaal ku soo qor fariintaada iyo sida ugu fudud ee aan kuula soo xidhidhi karno, annaga ayaa si dhakhso ah kuula soo xidhiidhayna

  • Email : This email address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it.

  • Phone1 :  
    Phone2 : Telefonadu way badan yihiin halkan kuma soo koobi karno, ee hadii aad u baahan tahay in aan kula soo hadalno noo soo qor telkaaga, iyo magacaaga annaga ayaa kula soo hadli sida ugu dhakhso badan ee ugu macquulsan, dabcan ha ilaawin in aad noo qorto wakhtiga dalka aad ku nooshahay.

 

 

 

Maxaa Cusub

  • Muwaadin Aano Qabiil Maanta Loo Dilay Iyo Hogaanka Dhaqanka Oo Canbeereeyey, Kuna Baaqay In La Joojiyo Dilalka Qabaailada. Wararka ka imaanaaya gobolka galgaduud, ayaa waxay sheegayaan in maanta hal nin lagu…