shiinaha6
Thursday, 11 June 2015 18:12

Soomaliland Oo Ka Cabsi Qabta In Laga Fara Maroojiyo Magaalada Laascaanood, Iyo Saansaan Dagaal Oo Ka Jirta Dagaanka Cadaado

Ciidamada Somaliland ee ku sugan gobolka Sool Iyo kuwa Puntland oo labaduba sameeyey dhaqdhaqaaq ciidan oo keni kara isku dhac  milatari.

Wararka naga soo gaadhaya dagaanka Tukaraq ayaa sheegaya in ciidamada Somaliland halkaas ka guureen, gaadheena dagaanka Cadaada oo aan ka fogayn halka ay dagan yihiin ciidama milatariga Puntland.

Majirto ilaa hadda wax iska hor imaada oo ka dhacay dagaanadaa, waxaase la maqalayaa hugunka madaafiicda oo mid waliba geestiisa u ridayo, iyada oo labada kooxeedba ku tilmaamay hubkaa ay ridayaan (Dabrid) oo ah erey ay ciidamu isticmaalaan, loogana jeedo tijaabo, sida uu Heemaal News u xaqiiyey wariye madaxbanaan oo ku sugan magaalada Laascaanood.

Sarkaaalka ugu sareeya ciidamada milatariga Somaliland Shaqale, ayaa ku sugan degmada Laascaanood, waxaana dagaanka ku qulqulaya gawaadhi sida ciidamo, hub iyo saad.

Sarkaal u hadlay ciidamada Somaliland oo ku sugan Laascaanood ayaa ku eedeeyey ciidamada Puntland in ay daandaasi wadaan, duulaana ku yihiin sidii ay u qabsan lahaayeen magaalada Laascanood balse ay difacayaan.

Buuxi Shaxda midigta Ama E-mailka Hoos Ku Qoran Nagala Soo Xidhiidh

This email address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it.

 

  Mail is not sent.   Your email has been sent.