Isaga oo u waramayay channel-ka Milan ayuu Mario sheegay in uu aad u taageersan yahay Massimiliano Allegri , waxa uu ciyaartooyda kale ku booriyay in ay codsadaan in tababarahaan uu joogo kooxda.
” Massimiliano Allegri aad ayaa loo jecel yahay aniga shaqsi ahaan aad ayaan ula dhacsanahay , inkastoo 5 bil wax aan ka badneyn aan isla joogno hadana wada shaqeyn fiican ayuu leeyahay”.
Mario Bolotelli waxa uu intaa ku daray ” waxana rajeynayaa in aan arko Massimiliano Allegri oo kooxda la joogo muddo fog” waxaa baaqa Balotelli soo baxayaa xilli inta badan ciyaartooyda kooxda ay doonayaan tababarahaan .
Warku waxa uu intaa ku daraaya in uu jiro qilaaf ka dhex aloosan tababaraha iyo mulkiilaha kooxda Milan , waxaana tababarahaan si weyn u dooneysa kooxda Roma inkastoo Milan dhawaan beeniyeen war saxaafadda soo galay oo sheegayay in tababarahaas uu hishiis u saxiixay kooxda Roma .





























