Saturday, 17 January 2015 18:11

Ma Runbaa In Diiwaangalinta Somaliland Ka Socotaa Ay Tahay Mid Uu Midawga Yurub Rabo In Uu Kaga Hortagayo Muhaajiriinta Ku Soo Qulqulaysa Dalalkooda

Ma Runbaa In Diiwaangalinta Somaliland Ka Socotaa Ay Tahay Mid Uu Midawga Yurub Rabo In Uu Kaga Hortagayo Muhaajiriinta Ku Soo Qulqulaysa Dalalkooda

Dareenka laga qabo diiwaangalinta madaniga ah ee ka socota Somaliland ayaa ah mid isa soo taraya, isla markaana uu hadheeyay dhaliilo badan oo loo jeedinayo. Diiwaangalintan ayaa ka duwan kuwii hore ee ka dhici jiray Somaliland, waxana xusid mudan inay kaga duwan tahay iyada oo dadka is diiwaangalinayo laga qaadayo sawirka faraha iyo kan indhaha, isla markaana looga dan leeyahay in qofka is diiwaangalinaya hal mar oo kaliya la diiwaangaliyo.

Dadka ku nool Somaliland gaar ahaan dhalinyarada oo ah kuwo ay ku xayndaaban yihiin duruufo badan oo dhinaca nolosha ah oo ay ka mid yihiin, shaqo la’aan ku noqotay cudur aan baxay, garoomada ciyaaraha iyo madadaalada oo ku yar, tartan dhinaca suugaanta iyo hal abuurnimada ah oo dhalinta lagu jiheeyo oo aan jirin, fursadihii hormarka ee dhalinta u banaan inay ka qayb qaataan oo aad u yar iyio ka qayb qaadashada siyaasada iyo arimaha kale ee dhalintu u baahan tahay mustaqbalka oo aad u hooseeya ayaa dhalinyaro badan ka dhigay kuwo u hiyi kacsan inay aadaan dalal shisheeye iyaga oo tahriibta miciin moodaya.

Inkasta oo aanan qormadaydan ku dhiiri galinayn Tahriibta isla markaana aan ka marag kacayo inay tahay hadimo ka horaysa dhalinyarada ayaa hadana waxa hubaal ah, in dhalinyarada soo gaadha qaarada Yurub ay helaan fursado ka fiican (habayaraadaane) kuwa ay helayaan dhalinta kunool dalka Somalilnad.

Geesta kale waxa jirta oo la tilmaami karaa in dhalinta ka soo haajiraysa Somaliland ee imanaysa Yurub ay tahay mid aad u badan, walaw ay qayb yar ka yihiin marka la labarbar dhigo mawjadaha tahriibayaasha ah ee ka soo gala Yurub dhinaca Galbeedka iyo Waqooyiga qaarada Afrika, dalalka Ciraaq, Suuriya, Eritariya, iyo dalal kale oo ku yaala bariga fog.

Hadaba waxa hubaal ah in mawjadahaas iska soo daba dhacaya ee muhaajiriinta ahi ay culays badan ku yahaan dalalka Midawga yurub ee ay magangalyada soo waydiisanayaan, culayskaasi oo ah mid saran dadladaha ku bahoobay Midawga Yurub ayaa waxa jira ilo xog ogaal ah oo sheegaya inay jiraan Istaraatijiyado la doonayo in lagu yareeyo muhaajiriintaas tirada badan eeculayka ku ah dadka reer Yurub iyo dawladahoodaba.

Istaraatijiyadaha la isticmaalayo ee la rabo inay mushkiladan tahriibka ah wax ka qabato ayaa waxa ka mid ah in la go’aansaday iyada oo laga faaiidaysanayo tiknoolajiyada casriga ah in qofwalba lagu diiwaangaliyo dalka uu joogo, si ay u suuro gasho in dib loogu celiyo meeshii uu ka yimid hadii ay tahay meel nabadgalyo ah oo ay xasilooniyi ka jirto.

Sidaas aawadeed waxa xogahaas muhiimka ah ee laga helayo Midawga Yurub ay sheegayaan in la damacsan yahay in Muhaajiriinta ka timaada Somaliland oo marka ay Yurub yimaadaan sheegta inay ka yimaadeen Somalia lagu diiwaangaliyo dalkooda si loo tixraaco meesha ay ka yimaadeen isla markaana dib loogu soo celiyo.

Isku soo wada duuboo waxa aan qormadaydan ku sheegayaa in Diiwaangalinta laga rabo inay Somaliland ka dhacdo ee indhaha iyo faraha lagu sawirayo ay tahay mid loogu quusgoynayo ama lagaga hortagayo dhalinyarada hamigoodu yahay inay soo gaadhaan Yurub ee ka imanaya Somaliland, sidaas oo ay tahayna waxa aan dhalinyarada quusta ka jooga xaalada uu dalka Somaliland ku sugan yahay u sheegaa in diiwaangalintaasi ay tahay qorshe uu midawga Yurub dabada ka riixayo oo ay rabaan inay ku tixraacaan meesha laga yimid loona baahan yahay inay laba aan is qabanayn tahay in ay Somaliland iska soo diiwaan galiyaan si ay xisbi ugu codeeyaan iyo inay dalka ka soo haajiraan si ay nolol uga raadsadaan qaarada Yurub.
Qore Abdirahman Ibraahim Huseen

Wixii Talo Iyo Tusaale Ah Noogu Soo Dir heemaalnews@gmail.com

Submit to DeliciousSubmit to DiggSubmit to FacebookSubmit to Google PlusSubmit to StumbleuponSubmit to TechnoratiSubmit to TwitterSubmit to LinkedIn

About Us

Dad weynahaan hanuuninaa, hasaawinaa,
danta u hagnaa, ma hakranee waan u
hawl galnaa.
 
Habeen iyo dharaar hadaladaan dhisnaa,
afkeena hooyo oo horumaraan kuhaminaa,
hogaaminaa, had iyo jeerhabnaa, oo waan
hagaajinaa, ma hakranee waan u hawl galnaa,
murtidaan hurinaa, kala hufnaa,haqabtirnaa
u heelanahay,dadweyanahaan hanuuninaa,
hasaawinaa danta u hagnaa.
 
Buraanbur iyo hees, hello iyo ciyaar,
gabayo haybadliyo hadhaale baanu
hindisnaa, hurdadaan guyaal ka hajirnaa,
naftayadaan hurnaa, ma hakranee waan
u hawl galnaa, dadweynahaan hanuuninaa
hasaawinaa danta u hagnaa.

 

 

Contact Us

Waxaad nagala soo xidhiidhi kartaa e-mailka hoos ku qoran, 

  • Address : Waxaan ka hawl galnaa dhamaan gayiga Soomaliyeed, hadii aad u baahato in aad nala soo xidhiidho kaliya Emailka hoos yaal ku soo qor fariintaada iyo sida ugu fudud ee aan kuula soo xidhidhi karno, annaga ayaa si dhakhso ah kuula soo xidhiidhayna

  • Email : This email address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it.

  • Phone1 :  
    Phone2 : Telefonadu way badan yihiin halkan kuma soo koobi karno, ee hadii aad u baahan tahay in aan kula soo hadalno noo soo qor telkaaga, iyo magacaaga annaga ayaa kula soo hadli sida ugu dhakhso badan ee ugu macquulsan, dabcan ha ilaawin in aad noo qorto wakhtiga dalka aad ku nooshahay.

 

 

 

Maxaa Cusub

  • Shacabka Magaalada Burco Oo Ka Dareen Celiyey Wasiir Samaale Oo Khudbadii Salaada Jimcaha Ka Jeediyey Masaajidka Madiina Ee Ku Yaal Magaalada Burco (Video) Wasiir Samaale Oo Khudbadii Salaada Jimcaha Ka Jeediyey Maanta Masaajidka Madiina Ee Ku…
  • Gudoomiyayaasha Xisbiyadda Mucaaradka Ee Gobolka Sool Oo Xukuumadda Ku Eedeeyey In Ay Xaalad Abuur Gacan Rimisa Ka Bilowday Gobolka Xisbiyada Mucaaradka ee Gobolka Sool ayaa Xukuumadda Siilaanyo ku eedeeyey in markay lumisay…
  • Mudaharaad Ka Dhacay Lowyacado Oo Looga Soo Hor Jeedo Ku Tumushada Xuquuqda Aasaasiga Ah Ee Shacabka Magaalada Dadweyne gadoodsan ayaa saaka mudaharaad ka dhigay magaaladda Lawyacado, halkaas oo ay Taayiro…