Tuesday, 16 December 2014 07:14

Cumar Cabdirashiid Oo Saaka Ka Soo Dagay Garoonka Dayaaradaha Aadan Cadde Ee Magaalada Muqdisho Lana Filaayo In,,

Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaa’arke oo lagu wado in loo magacaabo Ra’iisul Wasaaraha 3aad ee dowladda Soomaaliya ayaa saakay ka soo degay garoonka diyaaradaha Aadan cadde ee magaalada Muqdisho, iyadoo diyaarad khaas ah ay keentay.

Mr Cumar Cabdirashiid ayaa saakay ka soo dhoofay magaalada Naiorbi oo ay diyaarad khaas ah ka soo qaaday, waxaana uu isla shalay ka soo tagay dalka Mareykanka.

Wararka ayaa intaa ku daraya in Mr Cumar Cabdirashiid oo safar dheer soo galay la dejiyay mid ka mid ah Hotelada Muqdisho, waxaana lagu wadaa in gelinka dambe ilaa caawa loo magacaabo Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Soomaaliya.

Wararka ayaa intaa ku daraya in marka lagu dhawaaqo Cumar Cabdirashiid maalmo kadib uu magacaabi doono Golihiisa Wasiirada, oo inta badan diyaarsan shaqsiyaadka xilalka loo magacaabayo.

Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke oo aabihiisa Ra’iisal Wasaare iyo Madaxweyne ka soo noqday Soomaaliya 1964 iyo 1967 dii ayaa isna waxaa uu Ra’iisul Wasaare ka soo noqday dowladdii uu hogaaminayay Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed sanadkii 2009-kii, isagoo is casilay bishii september ee sanadkii 2010.

Dadka Muqdisho ayaa aad u hadal hayay in Cumar Cabdirashiid loo magacaabi doono Ra’iisul Wasaare, waxaana aad looga dhur-sugayaa ku dhawaaqidiisa xilka Wasiirka Koowaad.

Cumar Cabdirashiid ayaa ku dhashay magaalada Muqdisho sanadkii 1960, waxaa uu waxbarashadiisa ilaa heerka jaamacadeed ku qaatay Muqdisho.

Wixii warar ee ku soo kordha kala soco wararkeena dambe.

Wixii Talo Iyo Tusaale Ah Noogu Soo Dir heemaalnews@gmail.com

Submit to DeliciousSubmit to DiggSubmit to FacebookSubmit to Google PlusSubmit to StumbleuponSubmit to TechnoratiSubmit to TwitterSubmit to LinkedIn

About Us

Dad weynahaan hanuuninaa, hasaawinaa, danta u hagnaa, ma hakranee waan u hawl galnaa. Habeen iyo dharaar hadaladaan dhisnaa, afkeena hooyo oo horumaraan ku haminaa, hogaaminaa, had iyo jeer habnaa, oo waan hagaajinaa, ma hakranee waan u hawl galnaa, murtidaan hurinaa, kala hufnaa, haqabtirnaa u heelanahay, dadweyanahaan hanuuninaa, hasaawinaa danta u hagnaa.

Buraanbur iyo hees, hello iyo ciyaar, gabayo haybadliyo hadhaale baanu hindisnaa, hurdadaan guyaal ka hajirnaa, naftayadaan hurnaa, ma hakranee waan u hawl galnaa, dadweynahaan hanuuninaa hasaawinaa danta u hagnaa

Contact Us

Waxaad nagala soo xidhiidhi kartaa e-mailka hoos ku qoran, 

  • Address

  • Email : This email address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it.

  • Phone1 :  
    Phone2 

 

Maxaa Cusub