Cayaaraha

Cayaaraha (8)

Af hayeenka kooxda Real Madrid ayaa shaaca ka qaaday in golaha maamulka kooxda ay maanta yeelanayaan kulan muhiim ah.

Madaxda Napoli ayaa London kulan kula qaatay tababare Rafael Benitez iyagoo kala hadlaya suurtogalnimada uu ku noqon karo macalinkooda xiga, sida ay sheegayaan warar soo baxaya.

Koox Soomaali ah oo caruur da’doodu ka hooseyso 12 jir ayaa qaadatay koob loo dhigey illaa boqol kooxood oo iyaga la mid ah magaalada London.

Wayne Rooney ayaa seegi doona kulanka ugu danbeeya ee Manchester United ee xilli ciyaareedkan ee ay galabta la leeyihiin West Brom.

Arsenal iyo Chelsea ayaa laga yaabaa inay ciyaaraan kulan paly-off ah oo kaalinta seddexaad ah hadii ay isaga mid noqdaan dhibcaha, farqiga goolasha iyo goolasha la dhaliyay, markaasoo la ciyaari doono kulan lagu go’aansan doono cida ku dhameysan doonta kaalinta 3aad.

Ciyaar muran weyn dhalisay oo ku dhamaatay barbaro goolal la’aan ah oo u dhaxeysay Milan iyo Roma ayaa si ku meel gaar ah hakad loo geliyay ka dib markii taageerayaasha Roma ay cunsurinimo kula kaceen ciyaartoyda midabka madoow ee AC Milan xilli labo casaan ah la bixiyay, iyadoo Sulley Muntari casaan lagu siiyay inuu jiidjiiday garsooraha halka Francesco Totti isna casaan uu ku qaatay xusul xun uu tuuray dhamaadkii ciyaarta.

Kooxda Bayern Munich ayaa maanta la gudoonsiiyay koobka horyaalka Bundesliga ka dib kulankoodii ay maanta 3-0 kaga badiyeen kooxda Augsburg.

Mario Balotelli ayaa ku soo biiray liiska ciyaartooyda Milan ee taageersan tababare Massimiliano Allegri iyadoo uu muujiyay in uu doonayo in tababaraha uu kooxda la sii joogo xilli ciyaareedka dambe .

   

Ku Xidhnaw wararkayaga

Wararkii U Danbeeyey

Wararka Caalamka Oo Dhan

Dad Waynahaan Hanuunina, Hassaawinaa, Oon Danta U Hagnaa, Ma Hakranee Waan U Hawl Galnaa.