Sunday, 15 February 2015 14:30

Salaadiinta Gobolka Awdal Oo Daaqada ka Tuuray Tabashadoodii, Wada Shaqayn Buuxda La Sameeyey Xukuumada Somaliland

Salaadiinta gobolka Awdal oo maanta barnaamij wacyi galin ah ka sameeyey degamada Boorama

Salaadiinta gobolka Awdal oo horay ugu baaqay in ay joojeen dhamaan wada shaqayntii ay la lahaayeen xukuumada Siilaanyo, ilaa inta looga soo jawaabaayo tabashadoodii, ayaa badalay mawqafkoogii.

Salaadiinta oo horay shacabka uga digtay in ay ka qayb galaan diiwaan galinta madaniga ah ee ka socotay Somaliland, kuna tilmaamay beel beel kale tirakoobaysa, ayaa maanta ka soo muuqday shaashadaha iyaga oo dadka ku boorinaya in ay ka qayb galaan diiwaan galinta iyaguna is diiwaan galiyey.

Illo lagu kalsoon yahay ayaa Heemaal News u xaqiijiyey in madaxweyne Siilaanyo go'aansaday in uuna wax tabasho ah ka jawaabin, isaga oo shardi uga dhigay soo xero galinta Suldaan Wabar.

Beesha dhexe oo gondaha is galisay, kana wada hadlay sida ay suurta gal u tahay in ay ka tanaasulaan xilalka ay hayaan qaar ka mid ah, si looga jaawaabo tabashada salaadiinta galbeedka, ayay go'aan ku gaadheen in madaxweyne Siilaanyo aanu ka jawaabin tabashada salaadiinta gobolada galbeedka, iyaga oo u arka hadii la siiyo saami ay ku qanci waayaan, ay keeni karto taageero weyn oo u helo Suldaan Abubak Cilmi Wabar, oo ay uga cabsi qabaan in uu noqdo kii burburin lahaa Somaliland.

Iyadda oo ay taa Salaadiinta gobolada galbeedku ka dharagsan yihiin ayay u muuqataa in ay hadda mowqafkoogii badaleen oo ay go'aansadeen in ay la shaqeeyaan xukuumada Somaliland, tan oo uga fudud in ay soo qanciyaan Suldaan Wabar.

Wixii Talo Iyo Tusaale Ah Noogu Soo Dir heemaalnews@gmail.com

Submit to DeliciousSubmit to DiggSubmit to FacebookSubmit to Google PlusSubmit to StumbleuponSubmit to TechnoratiSubmit to TwitterSubmit to LinkedIn

Xulka Heemaal Ee Dhacdooyinka Caalamka

About Us

Dad weynahaan hanuuninaa, hasaawinaa,
danta u hagnaa, ma hakranee waan u
hawl galnaa.
 
Habeen iyo dharaar hadaladaan dhisnaa,
afkeena hooyo oo horumaraan kuhaminaa,
hogaaminaa, had iyo jeerhabnaa, oo waan
hagaajinaa, ma hakranee waan u hawl galnaa,
murtidaan hurinaa, kala hufnaa,haqabtirnaa
u heelanahay,dadweyanahaan hanuuninaa,
hasaawinaa danta u hagnaa.
 
Buraanbur iyo hees, hello iyo ciyaar,
gabayo haybadliyo hadhaale baanu
hindisnaa, hurdadaan guyaal ka hajirnaa,
naftayadaan hurnaa, ma hakranee waan
u hawl galnaa, dadweynahaan hanuuninaa
hasaawinaa danta u hagnaa.

 

 

Contact Us

Waxaad nagala soo xidhiidhi kartaa e-mailka hoos ku qoran, 

  • Address : Waxaan ka hawl galnaa dhamaan gayiga Soomaliyeed, hadii aad u baahato in aad nala soo xidhiidho kaliya Emailka hoos yaal ku soo qor fariintaada iyo sida ugu fudud ee aan kuula soo xidhidhi karno, annaga ayaa si dhakhso ah kuula soo xidhiidhayna

  • Email : This email address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it.

  • Phone1 :  
    Phone2 : Telefonadu way badan yihiin halkan kuma soo koobi karno, ee hadii aad u baahan tahay in aan kula soo hadalno noo soo qor telkaaga, iyo magacaaga annaga ayaa kula soo hadli sida ugu dhakhso badan ee ugu macquulsan, dabcan ha ilaawin in aad noo qorto wakhtiga dalka aad ku nooshahay.

 

 

 

Maxaa Cusub

  • Buuq Iyo Jaahwareer Ka Jira Xarunta Looga Taliyo Somaliland, Wasiiradda Cukuse Iyo Xirsi Oo Looga Shikisan Yahay Fal Danbiyeed (Dhagayso) Iydda oo si weyn loo hadal hayo khudbadii uu maant amadaxweynaha Somaliland ka…
  • Gudoomiye Saleebaan Gaal Oo Sobobeeyey Sobobta Uu U Diiday In Madaxweyne Siilaanyo Su'aalo La Waydiiyo (video) Gudoomiye Saleebaan Gaal Oo Sobobeeyey Sobobta Uu U Diiday In Madaxweyne Siilaanyo Su'aalo…
  • Xildhibaano Loo Diiday In Madaxweyne Siilaanyo Ay Su'aalo Waydiiyaan Warbaahintana La Hadalay (Video) Xildhibaano Loo Diiday In Madaxweyne Siilaanyo Ay Su'aalo Waydiiyaan Warbaahintana La Hadalay (Video)