Breaking News

Wararka Af Soomaliga Ah

Gabadh Soomaliyeed Oo Gaalowday, Kuna Qadhaaban Jirtay Wax Ka Sheega Diinta Islaamka Oo Xaalad,, (Video)

Apr 21, 2014

Gabar Somali -Swedish ah oo noqtey gaal ama ka baxday diinta Islaamka ayaa waxay sheegtay inay ku nooshahay nolol cabsi iyo wel wel joogto ah ka dib markii ay weeraro isdaba joog ah ay ugu yimaadeen dadka muslimiinta ah.

Gababadhaan oo lagu magacaabo Muna Walter oo ku nool dalkaas Sweden ayaa waxaa la sheegay inay ka baxday diinta islaamka oo ay qaadatey diinta Kirishtaanka sanadkii 2006, gabadhaan ayaa waxay sheegtay in wixii markaas ka dambeeyey inay kala kulantay dadka muslimiinta ah aflagaad iyo caay joogto ah iyadoona sheegtay inay dadka muslimiinta ah ay ku hayaan dhibaato. 

Gababadhaan gaaloowday islamarkaana ku caan baxday wax ka sheegida Islaamka ayaa waxay sheegtay inay nooshahay oo kaliya oo aysan dadka muslimiinta ah aysan dilin laakiinse aysan waxba ula harin marka dhan walba laga eego iyadoona arintaas daliil uga dhigtey inay dadka muslimiinta ah ay tixraacayaan ama ay u falalkaa adeegsanayaan Quraanka. 

Ugu dambeyntiina iyadoo gabadhaas Soomaaliyeed ee gaaloowday ay eedeyntaas u soo jeedisay dadka musliinta ah ayaa waxay arintaan u muuqataa mid ay xayeysiin iyo beerlaxawsi ay uga raadinayso dadka gaalada ah ee ay la nooshahay, 

Gabadhaan Soomaalida ah ee gaaloowday oo uu qabo nin Swedish ah ayaa waxay ayadu ku caan baxday wax ka sheegida iyo faafinta naceybka Islaamka iyadoona sidoo kale ururisa dadka sideeda oo kale ka baxay diinta Islaamka. 

Arinta gabadhaan Soomaaliyeed ay ku kacday ayaa waxay ka mid tahay dhibaatooyinka ka dhashay bur burkii dalka Soomaaliya iyadoona ay gabadhaan noqoneysa tii labaad oo Soomaali ah oo ku qaraabata arimaha noocaas oo kale ah maadaama ay horey dadka Soomaaliyeed dhegahooda ay uga bateen haweeneyda lagu magacaabo Ayaan Xirsi Cali oo ku caan baxday wax ka sheegida iyo naceybka muslimka. 

Wixii Talo Iyo Tusaale Ah Noogu Soo Dir heemaalnews@gmail.com

Submit to DeliciousSubmit to DiggSubmit to FacebookSubmit to Google PlusSubmit to StumbleuponSubmit to TechnoratiSubmit to TwitterSubmit to LinkedIn

Media

Nala Saaxiib Oo Hel Wararkayaga

WakhtigaSalaada Sxa

Somali Films

Jawaan Iyo Sooraan,
Cabdi Haybe Laanbad Iyo
Dhibtii Jaadka Lga
Dhibtii Jaadka Lga Raysay Ruwaayad Kaltuun Bacado Iyo Faarax Murtiile
Flimkii Inta Badan La
Flimkii Inta Badan La Sugaayey Ee Fadeexadii Facebooka-ga Oo Hada Dhamaaday (Video)
Film Cusub Oo La Magac
Mirqaanka Iyo
Ilaahay Umadiisa Part V
Ilaahay Umadiisa U Nabad Gali Sooraan Iyo Jawaan Part V
Ilahay Umadiisa Par IV
Axda Geedka Dhacaya