Technology News

Yahoo tests ear-based smartphone identification system

Yahoo is working on a way of unlocking a mobile phone using the owner's ear rather than a password…

Twitter reports disappointing sales

Twitter has reported lower than expected revenue for the first three months of the year, saying…
A gold plated Apple Watch is seen at an Apple Store in Berlin, April 10, 2015.

Apple Watch Rolls Out in Fashion Boutiques

Apple's smartwatch went on sale Friday, but only a few people in the world could actually go into a…

Bitcoins 'losing' value for cyber-thieves

The falling value of bitcoins have made them much less attractive to cyber-thieves, claims a…

Rail signal upgrade 'could be hacked to cause crashes'

A hi-tech signalling system that will eventually control all of Britain's trains could potentially…

Valve expands video game 'mod' market

Game maker Valve has expanded its online store to let players who make modifications or 'mods' for…

Ellen Pao faces $1m legal bill in sexism case

Ellen Pao, the woman who took a Silicon Valley firm to court over sexism claims and lost, has been…

Samsung S5 fingerprint flaw exposed

Hackers can take copies of fingerprints used to unlock the Samsung Galaxy S5 phone, claim security…

AdBlock Plus defeats German publishers in court

The creator of software that stops adverts from appearing on websites has defeated two news…

Google launches Project Fi mobile phone network

Google has detailed its plan to run a mobile phone network in the US.
Tuesday, 27 January 2015 11:47

Wiil Soomaliya Oo Walaalkii Ka Yar Ku Dilay Magaalo Ka Tirsan Minnesota Kadib Markuu Laabta Ka Toogatay

Booliiska ayaa xaqiijiyay dhimashada Suhayb Jamal Xasan oo 13 jir Soomaali ah, kaasi oo walaalkii ka waweyn si kama ah ugu dilay Axaddii la soo dhaafay Eagan oo ah magaalo yar oo ka tirsan gobolka Minnesota.

Geerida Suhayb Jamal ayaa timid kaddib markii isaga walaalkii ka weyn oo isna 15 jir ah ay Axaddii helaan bastoolad aabahood lahaa oo guriga taallay, isla markaana ay ku faraka-ciyaaareen, iyadoo kaddibna uu walaalka weyni uu xabad si kama ah xabadka uga dhuftay, sida ay xaqiijiyeen booliska magaalada mashaqadu ka dhacday.

“Qiyaas ahaan, bastooladda xabad ayaa ku taagnayd, hase ahaatee waxaa mid ka mid ah wiilasha uu u malaynayey in aysan xabadi raacsanayn,” marka loo eego hadal ay boolisku siidaayeen.

Xiliga shilku dhacayey ayaa waxaa kale oo guriga ku sugnaa gabar yar oo 11 sano jir ah, taasi oo iyaduna la dhalatay labada wiil, hase ahaatee ma jirto wax dhawaac ah ama wax-yeelo ah oo soo gaaray.

Wiilka waweyn ee walaalkii xabaddu kaga fikatay ayaa wacay booliska, isagoo u sheegay in walaalkii uu la cararay Mindi, islamarkaana u kufay, dibedeedna uu isku dhuftay. Hase ahaatee markii ay boolisku goobta soo gaareen waxaa u sheegay sida ay wax u dhaceen.

“Waxaan aaminsanahay xiligaasi in uu aad u cabsanayey, maxaa yeelay waxaa uu ogaa in aysan ahayn in uu ku ciyaaro hub, waxaana uu dareemayey in uu taasi dhib ku muddan-karo,” ayuu yiri Desiree Schroepfer, oo ah dambi baare.

Shacabkii ugu horreeyey ee guriga soo gaaray ayaa helay wiilka yar oo dhiig baxaya, isla markaana aan lahayn wax dhaqdhaqaaq ah, suuragalna ma aysan noqon in la bedbaadiyo.

Ma jirto cid loo xiray falkaan, waxaana boolisku ay sheegeen in aysan filayn waqtiyada soo socda in dad loo soo xiro.

“Inkastoo falkan uu u muuqdo mid aad u xun haddana arrintiisa, baaritaannada la xiriira iyo xaqiiqaadka aynu soo helno waxaan u gudbin doonnaa si uu eego qareenka degmada Dakota [Degmada magaalada shilku ka dhacay ka tirsan tahay],” ayaa booliisku ku yiri war uu soo saaray.

Wiilka yar ee geeriyooday ayaa fasalka siddeedaad ka dhiganayey iskuul lagu magacaabo Black Hawk oo ah dugsi dhexe oo ku yaalla magaalada Eagan ee qoyskiisu ku nool yahay.

Dalka Mareykanka sharci ahaan waa loo oogol yahay dadka dhacabka ah hubka. Hase ahaatee, waa in uu ahaadaa mid diwaangashan, islamarkaana qofka doonaya in uu yeesho uu damaanad-qaadaa in uusan waxyeelin bulshada kale.

Wixii Talo Iyo Tusaale Ah Noogu Soo Dir heemaalnews@gmail.com

Submit to DeliciousSubmit to DiggSubmit to FacebookSubmit to Google PlusSubmit to StumbleuponSubmit to TechnoratiSubmit to TwitterSubmit to LinkedIn

Xulka Heemaal Ee Dhacdooyinka Caalamka

About Us

Dad weynahaan hanuuninaa, hasaawinaa,
danta u hagnaa, ma hakranee waan u
hawl galnaa.
 
Habeen iyo dharaar hadaladaan dhisnaa,
afkeena hooyo oo horumaraan kuhaminaa,
hogaaminaa, had iyo jeerhabnaa, oo waan
hagaajinaa, ma hakranee waan u hawl galnaa,
murtidaan hurinaa, kala hufnaa,haqabtirnaa
u heelanahay,dadweyanahaan hanuuninaa,
hasaawinaa danta u hagnaa.
 
Buraanbur iyo hees, hello iyo ciyaar,
gabayo haybadliyo hadhaale baanu
hindisnaa, hurdadaan guyaal ka hajirnaa,
naftayadaan hurnaa, ma hakranee waan
u hawl galnaa, dadweynahaan hanuuninaa
hasaawinaa danta u hagnaa.

 

 

Contact Us

Waxaad nagala soo xidhiidhi kartaa e-mailka hoos ku qoran, 

  • Address : Waxaan ka hawl galnaa dhamaan gayiga Soomaliyeed, hadii aad u baahato in aad nala soo xidhiidho kaliya Emailka hoos yaal ku soo qor fariintaada iyo sida ugu fudud ee aan kuula soo xidhidhi karno, annaga ayaa si dhakhso ah kuula soo xidhiidhayna

  • Email : This email address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it.

  • Phone1 :  
    Phone2 : Telefonadu way badan yihiin halkan kuma soo koobi karno, ee hadii aad u baahan tahay in aan kula soo hadalno noo soo qor telkaaga, iyo magacaaga annaga ayaa kula soo hadli sida ugu dhakhso badan ee ugu macquulsan, dabcan ha ilaawin in aad noo qorto wakhtiga dalka aad ku nooshahay.

 

 

 

Maxaa Cusub

  • Daawo Warkii Caawa Ka Baxay Shaashada Rayo Tv Ee Magaalda Boorama, Oo Warar Xiiso Lihi Ku Jiraan (Video) Daawo Warkii Caawa Ka Baxay Shaashada Rayo Tv Ee Magaalda Boorama, Oo Warar…
  • Daawo Markab Badbaadinaaya Doon Bac Ah Oo Kula Qarqantay Tahriibayaal Badda U Dhaxaysa Libiya Iyo Talyaaniga (Video) Daawo Markab Badbaadinaaya Doon Bac Ah Oo Kula Qarqantay Tahriibayaal Badda U Dhaxaysa…
  • Awdal State, Khaatumo State Iyo Maakhir State Oo Ku Midoobay Hal Maamul Goboleed, Beesha Caalamkuna Kala Hadashay Doorashada 2016 (Dhagayso Waraysi) Awdal State, Khaatumo State Iyo Maakhir Satate Oo Ku Midoobay Hal Maamul Goboleed,…